shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isbalaadhinta Ciidamada Dawlada Soomaaliya ee Muqdisha  oo ku sii sinqaya Siinay iyo Daljirka Dahsoon

 

(Muqdisho,  June 04, 2011 Ceegaag Online)

Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay degmada Boondheere iyaga oo ugu awood sheegtay maleeshiyaadka Al-shabaab dagaal culus oo aan kala go’lahayn oo ciidamada dawladu doonayaan inay uga sifeyaan kooxda Al-shabaab gabi ahaan caasimada Soomaaliya iyo dalka oo dhan.

Wararku waxay inataa ku darayaan in haatan ay degan tahay dhamaan goobihii laysku gacan saaray, waxaa lagu soo waramayaa in la helay dad qoorta laga guray  oo aan la’aasin kuna maydfuuq baxay guryahooda.

Dadwaynaha reer Muqdisho ayaa soo dhaweeyay guulaha ciidamada  balse dagaaladan ayaa ilaa hada aan la garanayn sababta loo xoojiyay iyada oo la doonayo in doorasho laga qabto dalka iyada oo dawlada iyo baarlamaankuba diidan yihiin doorashadaa.

Daawo Sawirada

 

webmaster@ceegaag.com