shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Codka hal-abuurka Soomaalida oo ka furmay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden 

 

(Gothenburg, Sweden,  June 11,  2011 Ceegaag Online)

Bandhiggii ugu horreeyay ee ku saabsan dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda Soomaalida ayaa ka furmay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa oo lugu qabto magaaladda Gothenburg ayaa  lugu soo bandhigay horrumarka dhinaca afka Soomaaliga ku talowsaday.

Kulankan ayaa waxaa furay ku xigeenka duqa magaalada Gothenburg, Thomas Martinsson oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay & ereyo soo dhaweyn & dhiirigelin isu jiray isagoo markii dambena ka codsaday in qoreyaashii Soomaalida ee kulankaasi ka qeybgalayay in  xoojiyaan kulamada noocan oo kale, kulankii maanta uu horrudhac u yahay bandhigyada buugaagta & dhaqanka Soomaalida, wuxuuna hdalkiisa ku soo gabagabeeyay in maalin uun uu ku abaal sheegan doono bulshada in uu goobjoog ka ahaa kulankii ugu ee lagu suurtagaliyay kulamada waa weyn ee mustaqbalka dhici doona.
 

Sidoo kale waxaa iyagana halkaasi maanta hadallo qiimo badan ka soo jeediyay, guddoomiyaha xaafadda Angered, Hakan Werner, madaxa maktabadda magaalada Gothenburg, Madeleine Bergmark & Mirjam Onner.

C/llaahi Sh. Xussein H/Wadaag oo kamid ah qorayaasha soomaaliyeed ee sida weyn caanka uga ah dalka Soomaaliyeed ayaa halkaasi kaga hadlay buuggiisii ugu dambeeyey ee uu daabaco kana hadlayey carruurta iyo ujeedada uu qoray intaba. Waxaa uu sheegay in muhiim tahay siddii carruuraha soomaaliyeed eek u dhalatay qurbaha ay u heli lahaayeen fursad ay ku bartaan afkooda hooyo.

Ma aheyn dadkii halkaasi ka hadlay H/wadaag oo keliya, waxaa ka mid ahaa qorayaashii ka hadlay Max’ed Sh. Xassan Nuur oo ah madaxa shirkadda Scansom Publishers ee daabacda buugaagta Soomaalida. Waxaana halkaas lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa;- buugaagta carruurta, suugaanta, taariikhda, siyaasadda, ganacsiga, ciyaaraha, diinta, caafimaadka, qaamuusyada, buugga codeysan. 

Qoreyaashii ka qeybgalay furitaankii maanta waxaa ka mid ahaa;-

1. Max’ed Daahir Afrax;
2. C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”;
3. C/llaahi Sh. Xussein “Hantiwadaag”
4. Max’ed Sh. Xassan Nuur;
5. Bile Max’ed Xaashi.

Dhinaca kale waxaa munaasaddan goobjoog ka ahaa dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

1.      C/rashiid Cali Bulay;

2.      Cabdi Xersi Siiqe;

3.      Ruqiyo Max’ed Xassan;

4.      Sharmaarke Xaaji Dayib

5.      Sucdi Khaliif

6.      Feysal Axmed Gacashe

7.      Siciido Cabdulle Guuleed.

Ugu dambeyntii Kulan oo socdey Labo cisho ayaa waxaa la soo gebagabeyn doonaa maanta oo bishuna tahay 11ka bishan June, sanadka 2011.

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com