Nin si weyn loo doonayay, loona malaynayo inuu ahaa hogaamiyaha urur weynaha Al-Qaacida u qaabilsan gobolka Geeska Africa oo lagu magacaabi jiray Fazul Abdalla Mohamed ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Taliyaha ciidamada Militariga DKMG ah ee Soomaaliya C/kariin Yuusuf ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ciidamada DKMG ah ay rasaas ku fureen labbo nin oo diiday inay istaagaan goob ay isbaaro u taalay ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana uu taliyuhu intaasi ku diray in markii labadda nin ay ciidamadu isku soo hareereyen ay isku dayeen inay is difaacaan hase yeeshe la toogtay.

C/kariin Yuusuf taliyaha ciidamada militariga DKMG ah oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in mid ka mida raga la dilay uu watay Baasaboor ajnabi ah, waxaana baaritaanadu ay tilmaamayaan in ninka la xiriirnayo inuu ahaa Fazul Abdalla Mohamed uu wato Baasaboor South African ah, kaas oo uu ugu diwaangashanyahay magaca Daniel Robinson, iyadoo baasaboorku qorayo in ninkani dhashay sanadki 1971.

Ninkan lala xiriirinayo Fazul Abdalla Mohamed hogaamiyihi Al-Qaacidada Bariga Africa ayaa sidoo kale watay lacag gaaraysa $40,000, waxaana uu u muuqday inuu ka yimid gobolka Jubadda Hoose ee koonfurta fog ee Somalia, isagoo madax u ahaa urur lagu magacaabo Abu-abdirahman the canadian.

Fazul Mohamed Abdalla ayaa lagu doonayay madixiisa qofkii soo qabta lacag dhan $5 million oo abaal marin ah.


C/rashiid Maxamed Daahir

Garoowe