shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay’adda SCERDO oo Ceel Biyood Riiga ka hirgalineysa Degmada Ceegaag.

 

(Ceegaag,  June 15,  2011 Ceegaag Online)

Hay’adda  waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga ee SCERDO oo siwayn isugu howsha arrimaha Bulshada ee Degmada Ceegaag ayaa ceelbiyood Cusub hirgalintiisa ka bilowday degmada Ceegaag, ceelbiyoodkan ayaa waxaa soo dhaweeyay bulshada qaybaheeda kala duwani ay si diiran usoo dhaweeyeen.  

 

Munaasabadan lagu Bilaabayay Ceelkan Cusub ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga fulinta ee hay’adda SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal)  waxuuna sheegay in arrintani tahay karunsheegii ballantii ay Hay,addu uqaaday bulshada ku dhaqan Degmada Ceegaag, waxuuna ku nuuxnuuxsaday in ay isdaba socon doonaan Mashaariicda Hormarineed ay Hay’addu fulinayso hadii ALLE idmo, Gudoomiyuhu waxuu munaasabadaas amaan uga soo jeediyay Dowladda Canada oo gacan weyn ka geystay Ceelkan.

 

Dadweynihii iskugu soo baxay oo cabirayay dareenkooda sida uu yahay maadaama Degaankooda laga hirgalinayo Ceelkan ayaa si aad ah u soo dhaweeyay ugana Mahadceliyay Hay’adda SCERDO dadaalka ay ka wado Deegaanka.

 

Bashir Xaaji Cali (Jamaal) Gudoomiyaha guddiga fulinta hay'adda SCERDO

Ahmed C/casiis Warsame wakiilka US Merci ee Gobolka Sool

Mohamud Cumar Maamulka Shirkada COSOB Drilling Co.

C/riigle Xaaji Cali Cilmi

C/kariim Muuse Cawl

Sheekha Mohamud Cabdi Jaamac

Sheikh Mohamed C/qani Macalin faarax

Cabdidheere Ali Abokor

C/xakiin Cali Abokor

Mohamud Xasan Cawl (Qamriile)

Ibraahim Axmed dabagooye

Mohamed cagajar

C/lahi Jaamac Caliyare

Axmed shaafi

Cali weerar

C/rashiid faarax isxaaq 

 

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

 

Ceelkii SCERDO ee laga hirgalinayay degmada Ceegaag oo shaqadiisu meel fiican marayso. Sii Akhri

 

webmaster@ceegaag.com