shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 

HAMBALYO & BOGAADIN ku socota raysalwasaaraha

 cusub ee Soomaaliya

 

(Arizona  June 29,  2011 Ceegaag Online)

A   R   I   Z   O   N   A

2425 E. THOMAS ROAD - # 10 / 12; PHOENIX, AZ 85016

PH: (602) 522 2100; FAX (602) 667 9700  

DATE:  06/27/2011

HAMBALYO & BOGAADIN

Anigoo ku hadlaya macagayga iyo kan Maamulka iyo xubnaha Ururka Somali American United Council AZ, una riyaaqay natiijada kalsooni-siinta  Raiisul-Wasaaraha cusub ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka Somaliyeed Mudane Prof. Cabdiweli M. Cali ayaan daw bidnay, waajibna nagu ah inaanu u hambalyeyno Xildhibaannada Golaha Shacabka Somaliyeed mawqifka saliimka ah ee ammanta mudan oo ay ka qateen kalsooni-siinta Raiisul-Wasaaraha cusub. Markaannu xaqiiqa warrannana, waxaa halkaa nooga muuqata biseyl siyaasadeed ee farxad iyo yididiilo na-gelineysa, rajo wacanna nagu abuureysa.

Waxaanu kaloo u hambalyeyneynaa Madaxweynaha Mudane Sheikh Shariif Sh. Ahmed iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Shariif Hassan Sh. Adan iyo dhammaan cidii gacan ka geysatay xallinta khilaafkii Dalka ragaasiyay ee u dhexeeyay Madaxda Dawladda Federaalka KumeelGaarkaSomaliyeed, waxaanna rajeyneynaa in khilaafkaasi uusan dib-dambe usoo laaban, laguna dadaalo iskaashi iyo wada-shaqeyn wadareed ee wacan oo lagu dhammeystiro hawlaha looga gudbayo marxaladda adag ee kalaGuurka.

Waxaanu hubnaa in Raiisul-Wasaaraha cusub Prof. Cabdiweli M. Cali uu yahay aqoonyahan sare oo khibrad iyo Wadaninimo ay u dhantahay, uuna ku haboonyahay hogaanka kagudubka marxaladdan adag, waxaana lagama-maarmaan ah in gacan lagu siiyo fulinta hawsha adag ee looga gudbi karo marxaladdan kumeelGaarka ah, tasoo saldhig u noqoneysa himilada Badbaadada Qaranka iyo sahanka suuban ee Ummaddeenna Somaliyeed.

Ugu dambeyn, Hambalyo iyo bogaadin ka-sokow waxaanu leenahay Prof. Cabdiweli  M. Cali Eebaha-Weyn hakuu fududeeyo gudashada xilkan culus ee aad Ummadda Somaliyeed u qaaday. “Amiin”.

Guul & Horumar,

Prof. Mohamed Ali Abukar

Founder/ President

 

webmaster@ceegaag.com