shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

FBI-da Dalka Maraykanka oo Shaacisay in Wiil Somali-Amerikan ah uu isku Qarxiyay Soomaaliya(Warbixin).

 

(Minneapolis,  June 10,  2011 Ceegaag Online)

FIB-da dalka maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mida labadi nin ee masuulka ka ahaa qaraxi ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay labbo ka tirsan ciidamada AMISOM uu ahaa nin Somalia-Amerikan ah oo ka tegay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Xafiiska FBI-da ee minneaopolis ayaa sheegay in ninkan lagu magacaabi jiray Faarax Maxamed Beledi oo ay da'diisu tahay  27 sano uu ka mid ahaa dadki weeraray saldhiga ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Sanadihii ugu dambeeyay, qiyaasti dhalinyaro gaaraysa 20 dhalinyaro ah ayaa ka tagay minneapolis iyagoo u socdaalaya Somalia si ay ula tababartaan koooxda Al-shabaab, waxaana qayb ka mida ay ka dhinac dagaalamaan ururka argagixisada ah ee Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada Maraykanku.

Faarax Maxamed Beledi wuxuu ka mid ahaa 14 qof oo bishi July ee sanadki 2010 lagu soo eedeeyay inay gargaar u fidinayeen kooxda Alshabaab, Faarax ayaa sidoo kale lagu eedeyay inuu ku guda jiray faldambiyeedyo lagu dilayo, lagu afduubanayo, laguna dhaawacayo shakhsiyaad dibada ku nool, ay mar kale FBI-du ku sheegtay warbixinteeda.

FBI-da ayaa intaasi ku dartay in Faarax la aaminsanyahay inuu ka tegay dalka maraykanka bishii October sanadki 2009-ki.

Marka la tixraaco warbixino ka soo baxay ciidamada ururka midawga Africa ee ku sugan Somalia falaago xagjir ah ayaa tiro ka dhawr jeer ku soo lebistay dirayska ciidamada DKMG ah ee Somalia iyagoo iska dhigaya askar ka tirsan DKMG ah, doonayana inay weeraran fariisimo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho 30-ki bishi May.

Kooxda Al-shabaab ayaa isbahaysi la leh ururka Al-qaacida, welina waxa socda baaritaan ay wado FBI-da Maraykanku oo ku saabsan xaqiijinta wiil kale oo lagu magacaabo Cabdulaahi Axmed kaas oo warbixin ay Al-shabaab ku soo daabeceen bogooda internetka ku sheegeen inuu fuliyay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ma cada in C/laahi Axmed uu ahaa ninki labaad ee fuliyay weerarki ismiidaaminta ah ee lagu dilay labbo askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaliya ku sugan.

Hooyadi Muumina Roba oo cadaysay Geerida Wiilkeda Faarax Maxamed Beledi:

Shabakada internetka ee Minnesota Public Radio ayaa shaacisay in qaar ka mida xubnaha qoyska Faarax Maxamed beledi ay cadeeyen in wiilkooda oo ka tegay Minnesota uu isku qarxiyay ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom todobaadki hore.

Shabakada oo warbixinteeda sii wadata ayaa tiri..........Faarax Maxamed Beledi waa 27 sano jir ka yimid magaalada St.Paul ka hor intaanu ku soo biirin bulshada Soomaaliyeed ee degan Minnesota, magaca Beledina waa magaca ugu diwaangashan liiska federaaliga ah ee dalka Maraykanka, waxaana hadda ka hor la soo taagay maxkamad.

Faarax hooyadi oo ah haweenay da' ah ayaa sheegtay inaanay rumaysan marki hore wararka sheegaya in wiilkeeda Faarax lagu dilay magaalada Muqdisho, kaas oo ay u soo sheegen xubno ka tirsan isla qoyskiisa oo ku sugan magaalada Nairobi.

Shabakada ayaa sheegtay inay heshay sawiro muujinaya  qaraxa, kuwaas oo ay soo gaarsiiyen saraakiil ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, iyadoo mid ka mida sawiradaasi uu muujinayay muuqaalka qof wejigiisa uu daboolay firir, kaas oo la sheegay in la dilay intaanu qaruxu dhicin balse waxaa la cadeeyay in qaraxa lagu laayey askarta AMISOM uu ahaa mid uu fuliyay qof kale oo hawlgalka kala qaybqaadanayay Faarax Maxamed Beledi.

Weriyaha waraysiga ka soo qaaday Muumina Roba oo ah hooyada Faarax ayaa sheegay inay hooyadi uu ka muuqanayay daal uu ku sababay cudurka Neefta (Asthma), waxayna codsatay bay buu yiri inaan la tusin sawirka wiilkeeda, maadaama hadi  ay aragto sawirkiisa ay dareemayso.

Muumina Roba oo ay la joogaan labo wiil oo ay dhashay ayaa sheegay inaanu shaki ku jirin in qofka sawirka ka muuqda uu yahay wiilkooda Faarax Maxamed Beledi.

Maxkamada ayaa laga helay warbixino muujinaya in Beledi sanadki 2007 uu mindi qoorta kaga dhaawacay nin ay ciyaar ku wada dheelayeen central high school oo ku yaala magaalada  St.paul, waxaana marki uu gaystay fal dambiyeedkan lagu xiray xabsi, isagoo xabsigaas ku jiray muddo ka badan sanad, waxayna hooyadi sheegtay inaan cid ka tirsan qoyskiisa aanay ku booqan xabsiga intii uu ku xirnaa, maadaama uu xiriirkoodu xumaaday.

Abdulaahi Beledi oo ah walaalkiis ayaa sheegay in isaga, walaakiis ka yar iyo hooyadood Muumina Roba ay soo galeen gudaha dalka Maraykanka sanadki 1996-dii, xiligaas oo Faarax Beledi da'diisu ahayd 12 sano.

Abdulahi Beledi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in walaalkiis Faarax Beledi ay ugu dambaysay 7 sano ka hor halka hooyadiis iyo Faarax Maxamed Beledi ay isugu dambaysay saddex sano ka hor.

Faarax Maxamed Beledi ayaa ku xirnaa masaajidka Abuubar Al-Sidiiq oo ku yaala magaalada Minneapolis, waana masaajidka ugu weyn oo dadka Soomaalidu ku leeyihiin gudaha dalka Maraykanka, masaajidkan ayaa waxaa isugu iman jiray oo ilaahay ku caabudi jiray ugu yaraan 20 dhalinyaro ah, ka hor intaanay u ambabixin gudaha dalka Soomaaliya si ay uga barbar dagaalamaan kooxda Al-shabaab.

Shabakada internetka ee Minnesota Public Radio ayaa sheegtay in Faarax Maxamed Beledi uu maalin maalmaha ka mid ah masaajidka Abubar ugu sheegay dad isugu soo ururay masaajidka in dambiyadi hore ee uu galay ay ka mayrmeen markii uu soo galay masaajidka, wuxuuna difaacay eedaymaha sheegayay in masaajidku yahay goob maskaxda lagaga xado dhalinyarada Somali-Maraykanka, si ay ugu biiraan kooxda Al-shabaab.

C/rashiid Maxamed Daahir
Garowe-Puntland
lacle1004@gmail.com

 

 

webmaster@ceegaag.com