shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dayax madoobaadkii ugu dheeraa mudo 10 sanno oo xalay ka dhacay meelo ay kujirto Soomaaliya.

 

(Muqdisho,  June 15,  2011 Ceegaag Online)

Dayax madoobaad ayaa xalay ka dhacay dalal badan oo caalamka ah oo ay ku jirto Soomaaliya iyadoo Odayaasha Soomaalida ay ku sheegeen kii ugu daraa ee dalka soo maro mudo 10 sanno ah.

Daxaya ayaa ka madoobaay dalal badan oo caan ah oo ku yaala qaaradaha Europe, Africa, Bartamaha Asia iyo Australia waxaana culimada Physiks-ka ay leeyihiin waa kii ugu dheeraa ee caalamka ka dhaco mudo 11 sano ah.

Dalka Soomaaliya abaaro 10:00 fiidnimo ayey waxoo ku bilaabatay madowga dayaxa ama bisha iyadoo 30:daqiiqo kadibna uu wada daboolay madowga ileyskii bisha.

Masaajidada ayaa la furay halkaasi oo ay dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ka bilaabeen salaada loo tukado dayax madoobaadka, halka dadka qaarkoodna ay guryaha ku tukadeen iyaga oo ALLE baryayay.

Barnaamijyadii ka baxayey idaacadaha Muqdisho ayaa marqura la wada badalay iyadoo loo badalay qur,aan iyo wacdiyo ay culumada dadka ugu sheegayeen in ay ALLE u laabtaan oo ay u towbad keenaan.

Dhinaca kale culimada ku taqasustay saadaasha hawada ayaa sheegaya in dayax madoobaadka uu keenay dhulka oo daboolaya Qoraxda taasoo keeneyso in bisha oo ka yar dhulka ay weyso ileyski ay ka heli jirtay qoraxda.

Waxaa dayaxmadoobaadki xalay uu socday ilaa iyo 100-daqiiqo taasoo ka dhigeysa dayaxmadoobaadki ugu dheeraa tan iyo bishi July 2001

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com