shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bandhiggii buugaagta taariikhda, dhaqanka & codka hal-abuurka Soomaalida oo lagu soo gebagabeeyay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden

 

(Gothenburg Sweden, June 12,  2011 Ceegaag Online)

Bandhiggii buugaagta taariikhda & suugaanta Soomaalida ee labadii maalmood ee ugu dambeysay ka socday magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo kulankaasi uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee magaaladaasi lagu qabto tan & intii ay dadka Soomaaliyeed ka mid noqdeen dadyowga wax ka deggan dalkaasi.

Bandhigga carwada ee sanadkan ee halkaasi lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 300 oo isugu jira qeybaha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaasi.

Kulankan oo ay ka qeybgalyeen qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka Canada, Ingiriiska & qoreyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa bilowday maalinnimadii shalay aheyd ee ay taariikhdu aheyd 10kii bishan June lana soo gabagabeeyay 11ka June, sanadka 2011.

Labadii maalmood ee uu haddaba socday barnaamijkaasi ayaa lagu soo bandhigay hannaanka ugu habboon ee loo badbaadin lahaa afka Soomaaliga, maadaama uu afka Soomaaliga ahi ku jiro 12ka af ee lagaga dalalka caalamka lagana cabsi qabo dabar go’ ku yimaada, sida ku xusan qoraal ay dhawaan soo saartay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca ilaaleynta & dabar go'a afafka laga hadlo adduunka.

Haddaba furitaankii barnaamijyadii xiriirka ahaa ee halkaasi ka dhacay waxaa ugu horreyn ka hadlay C/casiis Cali Ibrahim " Xildhiban " oo ka mid ah qoreyaasha Soomaaliyeed ee dadaalka ugu jira ilaaleynta & xafidadda Taariikhda & Suugaanta Soomaalida isaga oo halkaasi ku soo bandhigay buugaagtii uu qoray ee 1. Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen?, 2.  Taxanaha taariikhda Soomaaliya, 3. Maahmaahyo murti & madadaallo, 4. Sooyaalkii suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil, 5. Xulka maansooyinka Soomaaliyeed & buuggii ugu dambeeyay ee uu daabaco ee 6. Horseedayaashii halaagga Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa iska halkaasi ka hadlay Dr. Max’ed Daahir Afrax oo ka mid ah Guddiga gurmadka & tabliiqa ee afka Soomaaliga isaga oo aad ugu dheeraaday baahida loo qabo sidii dadka Soomaaliyeed gacan & maskaxba uga qeybgeli lahaayeen arrintaasi.

Dr. Max’ed Daahir Afrax oo ka mid ah xubnihii aasaaska u dhigay naadiga qalinleyda Soomaaliyeed ee PEN isla markaana in muddo ah guddoomiye ka ahaa naadigaasi oo ka hadlayay dadka Soomaalida ah ee ka qeybgalay gurmadka ballaaran ee lagu badbaadinayo afka Soomaaliga in ay ka mid ahaayeen;-

1.       Aw jaamac Cumar Ciise

2.       C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban " – Xildhiban Publications

3.       Max’ed Sh. Xassan Nuur     Scansom Publishers

4.       C/llaahi Sh. Xussein "Hantiwadaag".

Dhinaca kale wuxuu ammaan & mahad ballaaran u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti H. E. Ismaaciil Cumar Geelle oo dadaal ballaaran ugu jira sidii afka Soomaaliga looga badbaadin lahaa khataraha laga cabsi qabo in uu ka mid noqdo afafka duulaanka ba’ani lagu soo qaaday.

Dr. Max’ed Daahir Afrax oo ah cilmibaare ku howlan mustaqbalka afka Soomaaliga & sidii loo badbaadin lahaa wuxuu Soomaalidii ka qeybgashay barnaamijkii bandhigga buugaagta & codka hal abuurka Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden sidii ay uga mid noqon lahaayeen guddiga gurmadka afka Soomaaliga iyagoo ka bilaabaya in ay carruurtooda ku ababiyaan adeegsiga afkooda hooyo.

Sidoo kale waxaa iska halkaasi ka hadlay Max’ed Sh. Xassan Nuur oo ah guddoomiyaha shirkadda daabacaadda ee Scansom Publishers oo halkaasi ku soo bandhigay tirada buugaagta Soomaalida ee illaa & hadda la diiwaangeliyay in ay gaarayaan illaa 300 oo buug isaga oo ku dheeraaday hannaankii ay shirkaddaasi u martay xafidaadda buugaagta Soomaalida ee maanta yaalla dhammaan dalalka Scandinavian-ka & North America.
 

Gebagabadii kulankaasi waxaa isna halkaasi ku soo bandhigay gabayo,, heeso, Guurow, Masafo, & Shirib & buraanburro ka soo jeediyay hobollo ay ka mid ahaayeen abwaan Hurfe Cali Qeylo & Caasho Jamaac Garow oo loo yaqaanno "Caasho Cuud" soo jiitay dhagaha & maqalka dadweynihii Soomaaliyeed ee ka qeybgalay munaasabaddaasi, waxaana ugu dambeyntii halkaasi hadallo qiimo badan, guubaabo & dardaaran ka soo jeediyay guddoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Gothenburg, MD. C/llaahi Max’ed Axmed  "C/llaahi Jowhar" oo ka mid ahaa guddigii qabanqaabada ee bandhiggaasi.

Waxaana xusid gaar ah mudan kaalintii ay ka qaateen jaaliyadda Puntland ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, "Puntland Community Organisation" iyaga oo ballan qaaday in ay halkaasi ka sii wadi doonaan qabashada & abaabulka loogu jiro barnaamijyada noocan oo kale ah, kaas oo lagu ballamay in sanadkiiba mar la qabto.

Daawo Sawiradii Goobta

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com

 

 

webmaster@ceegaag.com