shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Heshiiskii Kambala oo Kadhacay Magaalada Edmonton ee Dalka Canada.

 

(Edmonton,  June 19,  2011 Ceegaag Online)

Mudaharaad ay soo agaasimeen qurba joogta dagan Gobolka Alberta ee Dalka Canada ayaa ka dhacay magaalada Edmonton, Mudaharaadkan ayaa lagu diidanyahay Heshiiskii Kambala ee lagu dhigayay in uu Ra'iisal Wasaare Farmaajo uu is iscasilo.

 

Waxaa ugu horreyn xafladdaas ayaadaha quraanka kariimka ah ku furay Shiikh Jaamac  Xuseen Nuur oo kula dardaarmay dadwaynihii xafladda ka soo qaybgalay in ay ilaahay ka baqaan midnimadooda iyo sharaftoodana ilaashadaan si ay uga nabadgalaan masiibooyinka maanta adduunka ka taagan.

Waxaa makarafoonka lagu soo wareejiyay Cabdiqayr Cumar oo ku hadlayay magaca Gudigii soo qabanqaabiyay shirkan isagoo mahadnaq ballaadhan u soo jeediyay dadwaynihii iyo marti sharaftii halkaas isugu timi kadib eedeyn ujeediyay wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya Augustina Mahiga iyo siyaasadiisa guracan ee kuwajahan Soomaaliya oo ay ka soo horjeedaan Shacabka Soomaaliyeed , isagoo ugu baaqey shacabka soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan Hagardaamada uu wado Mahiga.

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Cabdalla Kulmiye oo sheegay in Soomaalidu rabto midnimo, nabad iyo xoriyad, isagoo ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon inuu si dagdag ah xilka uga qaado Augostine Mahiga.

Banaanbaxan ayaa ujeedadiisu ahayd in shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan aysan raali ka aheyn heshiiskii kampala, waana markii u horeysay ee Soomaalida badankood ay si guud u diidaan heshiis ay gaadheen shaqsiyaad laguna baabi’iyay jiritaanka Ummada Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Edmonton ayaa halkaas kumuujiyay shucuurtooda wadaninimo, iyagoo halkaas kaqaadayay heeso. iyo gabayo wadani ah , Banaanbaxayaashaas qiiraysnaa waxay ka codsadeen golaha shacabka soomaaliyeed inay dhowraan axadi qarameedka iyo rabitaanka shacabka ay matalaan kana hortagaan kalaqaybinta iyo burburinta lagu wado ummada Soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee banaanbaxan ayaa imaanaya xili inta badan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qaaradaha Yurub, North America, Asia, Australia iyo Dalal African ahi ay dhigeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan shirkii kampala iyo Siyaasada Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Mahiga.

 

Daawo Sawirrada

 

Liibaan Fiin

Edmonton, Canada

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com