shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Anigoo ku hadlaya magacayga, kan reerkayga iyo kan dhammaan xubnaha Somali American United Council ee Arizona ayaan annagoo ka-wada tiiraanyeysan gerida naxdinta leh ee ku timi marxuum Cabdishakuur Sheikh Xassan Faarax

 

(Phoenix, Arizona  June 11,  2011 Ceegaag Online)

A R I Z O N A

2425 E. THOMAS ROAD – Suite 10/12- PHOENIX, AZ 85016

Ph: (602) 522 2100; Fax (602) 667 9700

www.somaliauc.org

 

                                                                                                              Tariikh: 06/ 10/ 11

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAJICUUN

Anigoo ku hadlaya magacayga, kan reerkayga iyo kan dhammaan xubnaha Somali American United Council ee Arizona ayaan annagoo ka-wada tiiraanyeysan gerida naxdinta leh ee ku timi marxuum Cabdishakuur Sheikh Xassan Faarax, Wasiirkii Arrimaha Gudaha & AmnigaQaranka  ee Dawladda Kumeel Gaarka Somaliyeed, kuna geeriyooday qarax argagixiso ee ka-gardaran, ayaan Tacsi murug leh u gudbineynaa dhammaan Ummadda Somaliyeed, Xaaska marxuumka Samsam Jaamac Geyre iyo caruurteeda, walaalkii Macallim Maxamud Sheikh Xassan Faarax, Sonkor Jaamac Geyre iyo dhammaan ehelada uu ka baxay meelay jogaanba.

Marxuum Cabdishakuur Sheikh Xassan oo aan aqoon wacan u lahaa, waxaa uu ku tilmanaa wadaninimo ay daacadi ku dheehantahay, wuxuuna ahaa qof ay shakhsiyadiisu markasta raalli gelin-jirtay qof waliba ee uu la kumo,  Ilaahow kuu naxariiso- halkaas qof aad u qiima badan ayaa ku tagay; hasse yeshee waxaan aaminn-sannahay in Geeridu  ay xaqtahay, qofwalibana waqtiga Ilaah ugu tala-galay ayuu baxayaa.

Waxaan Eebaha-Weyn uga baryeeynaa inuu marxuumkaas Janna Fardowsa ka waraabiyo, reerka, ehelada iyo innaga oo idilna samir iyo imaan innaka siiyo. “AMIIN”

Prof. Mohamed Ali Abukar

Founder/ President

Somali American United Council

Phoenix, Arizona USA

 

 

 

 

 

webmaster@ceegaag.com