shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo heshiiskii Labada Shariif (Afguduud iyo Sakiin) ku gaadheen Kampala oo Gilgilay Caasimada Soomaaliya.

 

(Muqdisho,  June 09,  2011 Ceegaag Online)

Odhaahdii banaan-baxayaasha Dhagayso

Waxaa magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya gilgilay mudahaaradyo ay sameynayaan ciidamada xooga dalka soomaaliya iyo shacab gadoodsan oo iskaashanaya, waxaana mudahaaradyadaasi yihiin kuwo gilgilay guud ahaan degmooyinka Magaalada Muqdisho ee ay Dawlada KMG ah ee soomaaliya gacanta ku hayso.

Mudaaharaadyadan ayaa looga soo horjeedaa go’aanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad C/laahi Maxamad (Farmaajo) ku gaadhay inuu is casilayo marka uu dib ugu soo laabto caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Sheekh Axmed Dhicisow oo ka mid ah banaanbaxayaasha Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqbali Karin inuu is casilo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamad C/laahi Maxamad (Farmaajo)

Banaanbaxayaasha shacabka ayaa iyagu xiray wadooyinka ku aadan xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqayeen hadalo aysan raali kaga ahayn in Arin siyaasadeed loo burburiyo Qaranimada iyo Aayaha Ummada Soomaaliyeed, iyagoo ku dhawaaqayay inaysan ogolaan doonin inuu Raisalwasaaruhu xilka uu hayo xilligan iska casilo.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa Walaac xoogan ka muujiyay in hadii Raii'sal Wasaaraha Soomaaliya  iscasilo ay dhibaatada Soomaaliya uga sii dareyso, iyadoo maantaba ay ciidamada Dowlada KMG ah ay soo baaneeyeen goobaha qaar ay difaac kaga jireen ee ay dhawaan kala wareegeen Kooxda Alshabaab.

 

Dhinaca kale banaanbaxyo la mid ah kuwani ayaa waxay kadhaceen deegaano ka tirsan gobolka Gedo iyo gobole kale oo ka mid ah gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo dadka banaanbaxyada dhigayay ay ka dhawaajiyeen in aysan habooneen in Arrin shaqsiyadeed loo burburiyo Qaranimadii Soomaaliya iyo Aayaha Shacabka Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Mohamed C/laahi Farmaajo ka laabto go’aanka uu gaadhay ee is casilaadiisa ah.

Daawo Sawirada Banaan-baxayaasha

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com