shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

      Hay’adda SCERDO oo xafiis cusub ka furatay

Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

(Nairobi,  June 29,  2011 Ceegaag Online)

Xafiiskan cusub ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Guddiga fulinta Hay’adda  SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal) iyo Xoghayaha Guddiga Fulinta SCERDO Abdirahmaan Mohamed Ismaaciil, Xafiiskan SCERDO ayaa noqonaya xafiiskii ugu horeeyay ee ay hay’addu ka furato Wadanka Kenya.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Hay'adda SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Horumarinta Gobolada Waqooyi ee Kenya ahna Mudane laga soo doorto barriga Wajir (Member of Parliament for Wajir-East) Mudane Mohamed Ibraahim Cilmi   iyagoo ka wada hadley sidii ay Hay'adda SCERDO uga qaybqaadan lahayd  horumarinta dhinacyada bulshada sida Waxbarashada, caafimaadka iyo Biyaha ee Gobolka Wajir.

Hay'adda SCERDO ayaa si rasmi ah maanta shaqadeeda uga bilowday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, iyadoo xafiiska Nairobi loogu talogalay inuu fuliyo mashaariicda hay'adda ka fulindoonto wadamada barriga Afrika, sida Somalia, Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo koonfurta Suudaan.

Daawo Sawiradda

 

webmaster@ceegaag.com