shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaare Mohamed Abdilahi Farmaajo oo is casilay.

 

(Muqdisho,  June 19,  2011 Ceegaag Online)

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Mohamed Abdilahi Farmaajo Dhageyso

Waxaa maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia isku casilay Ra'iisulwasaare Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana goob joog ka ahaa madasha iscasilaada madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ninka loo magacaabay inuu sii hayo xilka Ra'iisulwasaaraha horayna  u ahaa R/wasaare kuxigeen ahna wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah C/weli Maxamed Cali.

Iscasilaada Ra'iisulwasaaraha ayaa timad ka gadaal markii labada shariif heshiis ku saxiixdeen magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com