shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo loo magacaabay Ra段isal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

 

(Muqdisho,  June 23,  2011 Ceegaag Online)

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif sh. Axmed ayaa maanta oo khamiis ah u magacaabay ra段isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo horay u sii hayay xilkaasi, kaddib iscasilaaddii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shir jaraa段d oo madaxweyne Shariif uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdsiho ayuu kaga dhawaaqay magacaabista ra段isul wasaaraha cusub.

Ra段isul wasaaraha cusub Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo horay u ahaa wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee xukuumaddii Farmaajo ayaa ah aqoonyahan wax ku bartay dalka Maraykanka, macallinna ka ahaa jaamacad ku taalla magaalada New York ka hor intuusan ku biirin xukuumaddii hore ee Mohamed Abdillahi Farmaajo sanadkii la soo dhaafay.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa hortagi doona Baarlamaanka si cod loogu qaado, kaasoo haddii la ansixiyo looga fadhiyo in muddo soddon maalmood gudahood uu ku soo dhiso Xukuumadiisa.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com