shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad u agaasineed heer Qaran oo qalin jabin ardayeed iyo dabaaldega 1 da Luuliyo isgu jirtay oo ka dhacday magaalada Boston.

(Boston July 01,  2011 Ceegaag Online)

Dhagayso Heesta maanta ee waxaan rajeenayaa Soomaaloo israacdo (ilaahay idinkii)   Dhagayso

Xafladan ayaa ka dhacday Hibernian Hall kasoo ku yaala xaafada Roxbury dhinaca 184 Dudley Street. Waxaana soo abaabulay ururka Dhilinyarada Jaamacada Soomaalida ee magaaladan Boston.

Furitaankii ka dib waxaa goobta ka hadlay Danny Riviera oo marti u ahaa Soomaalida kasoo ku dheeraaday habka ugu fiican ee ardaydu uga hortagi karaan inay Iskuulada ka saaqidaan.

Sidoo kale Pro. MJ ayaa sheegay inaysan MJ utaagnayn qabiilkiisa balse u taagan tahay Maxamed Jaamac  oo ah magiciisa, MJ waxa uu ka hadlay dhinacyada dhaqaalaha waxbarasho ee jira iyo sida lagu heli karo.

Waxaa isna ka hadlay xafladan Siyaasiga dada yare e Maxamed Diini oo ka hadlay in aan la ilaabin maalinta Dhalashada wadankeenan Mareekanka  ee 4th July isagoo sheegay in loo baahan yahay in jaaliyadu ku baraarugaan u codeenta dadka nolshooda iyo nolol maalmeedkooduba ku xidhan yahay sida dadka maamulaya iskuulaadka ardaydu dhigtaan. Dadka kuu matalay Baarlamaan goboleedada hadba xaafada aad degan tahay. Sidoo kale Diini wuxuu ku dheeraaday in loo baahan yahay in aynu jaaliyad Soomaali ahaan siyaada laguha iyo gacmahaba la galno.

Waxaa kale oo isna goobta ka hadlay Maxamed Aadan oo ah arday ka qalin jabiyay sanadkan Jaamacada Umass ee Lowell, isga oo aradayda ka soo qalinjabisay dugsiyada sare kala hadlay khibradaha jaamacadaha iyo xeeladaha waxbarashada.  

Waxaa iyana goobta ka hadashay Madaxa Ururka Horumarinta Haweenka reer Boston Deeqo Jibriil oo sheegtay in dhalintu ku dhaganaadaan dhaqankooda, kuna sugnaadaan Iimaan wanaagsan maadaama ay waxbarashadu waxba anficin bilaa iimaan.

Sidoo kale waxaa iyana goobta ka hadashay Amal Maxamed oo aradayda siisay culuunta iyo tabaha jaamacadaha lagu helo iyo sida loogu sugnaado helitaan dabadeed iyana waxay la hadlasay ardayda ka soo qalin jabisay dugsiyada sare. Amal takhsuskeedu waa Biology, waxayna dhamaysatay sanadkii sadexaad jaamaca North-Eastern University.

Waxaa iyana goobta ka hadashay Pro. Faadumo Cismaan (Bocoriini) iyada oo aad ugu dheeraatay doorka waalidiinta ee ciyaalkooda waxbarashadooda khuseeya. Waxaa kale oo doorka tacliinta ka hadlay Macalin Warfaa oo sheegay inuu macalin  ahaa ilaa mudo lagu qiyaasayo 32 sanadood 16 kamidana uu macalin ka ahaa magaaladan Boston.

Waxaa isna doorka waalidiintu ka qaadan karaan waxbarashada ubadka ka hadlay Cabdiraxmaan Yuusuf madaxa SDC.

Inataa dabadeed waxaa la soo bandhigay Ruwaayad waxaana shahaadooyin lagudoonsiiyay ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare iyo Jaamacadaha magaaladan Boston sanadkan 2011 iyada oo doorka wiilashu badnaa sanadkan halka sanadkii hore ay gabdhuhu badnaayeen.

Waxaa hool ka bilowday dabaaldagii 1 da Luuliyo kadib markii saacadu ka wareegtay bisha Juun una wareegta luulyo 1 deeda.

Waxaa lagu bilaabay Heesta calanka Soomaalieed ee  Qolo waacankeed oo ay soo bandhigeen Ardayda Dugsiyada iyo Jaamacaduhu, waxaa isna ka hadlay Taariikhda Soomaaliya iyo waxa loo baahan yahay inay Soomaalidu ka qabtaan dalkooda hooyo Cabdulqaadir Yaasiin madaxa ACEDONE.

Sida loo xaliyo mashaakilaadka isku murga marka dadku islaayeen ayaa waxaa isna ka hadlay Cabdidheere(Sandheere) oo tilamaamay in xalka Soomaaliya ku jiro inay u noqdaan Xeer hoosaadkii dhaqan ee soo jireenka ahaa isaga oo sheegay in diintu xeerkaa lafdhabar u ahayd.

Inataa dabadeed ayaa loo dhaqaaqay soo bandhigidii hidaha iyo dhaqanka Soomaalieed tasoo lagu soo gabo gabeeyay Xafladaa u agaasineed Heer Qaran.

 

 Sawirada waxaa qaaday: Wariyaha caanka ah ee Mijir

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com