Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay ka dhacday Machadka shareecada islaamka ee Alfurqan Buuhoodle ee hoostaga jaamacada Bariga Africa ee Boosaaso

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen Qaybaha kaladuwan ee Bulshada sida, Isimada, Cuqaasha, Waxgaradka, Ganacsatada, Culimaudiinka, ururada Dhalinyarada, Waalidiinta ardayda Dhamaystay machadkan iyo Warbaahinta. ayaa ardayda qalin jabinasay waxaa wejiyadooda  laga dheehan karaayey farxad iyo raynrayn.

Ugu horayn waxaa aayado quraan ah ku furay xaflada Sheekh Maxamed C/samed Cali. Aayadahaa kadib waxa goobta ka hadlay Maamulaha machadka Axmed Maxamed Samatar oo sheegay in 27 arday guud ahaan ay sanadka dhamaysteen sedexda fasal ee machadku ka kooban yahay.

Munaasibada oo mudo saacado ah soconaysa ayaa shaadada waxaa ardaydii kasbatay gudoonsiiyey asaasaha machadkan Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire, iyadoo uu hadalo kooban kasoo jeediyey xafladan oo isugu jiray waano iyo baraarujin, waxa uuna ugu baaqay dhamaan bulshada Gobolka Cayn gudo iyo dibadba ka qayb qaadashada horumarka gobolka, waxana ugu danbayntii duco kusoo gunaanaday Garaad C/laahi Garaad Soofe