shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad Baroordiiqa oo dhaqaale loogu uruurinaayay dadka ku waxyeeloobay Colaada iyo Abaaraha ka taagan Gobolada Bakool iyo Shabeelada Hoose oo ka dhacday Boston

(Boston, July 31,  2011 Ceegaag Online)

Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Boston  ayaa isgu yimid shir aan caadi ahayn oo lagu gorfeenayay wixii ay jaaliyadu ka gaysan lahayd wax ka qabashada abaaraha ka taagan Soomaaliya Guud ahaan Gaar ahaan Gobolada Bakool iyo Shabaaleda Hoose. Iyada oo jaaliyadu cod mideesan ugu baaqaso in laga waan toobo siyaasadeenta gargaarka Biniaadam nimo ee loo fidinayo dadka ku wax yeeloobay Colaada iyo Abaaraha isu biirsay guud ahaan Geeska Afrika  gaar ahaan Soomaaliya.

Jaaliyadu waxay ugu yeedhasaa dhamaan Haayadaha Gargaarka  ee Qaramada Midoobay  in dadka wax loogu qabto deegaanadooda oo aan lagu qasbin in ka barakacaan guryahooda iyaga oo aan haysan gaadiid ay ku qaxaan taasina sababtay in ay ku le'daan socdaal geeriyeed la baajin karo.

Sidoo kale waxay jaaliyadu uruurisay dhaqaale hor dhac ah oo ahaa $32,000 oo doollarka Maraykanka ah iyada oo $17,000 ay gacan maris ahayd. Gudiga Abaaraha ee reer Boston ayaa goobta ka sheegay inaysan suuro gal ahayn lana aqbali karin in Jaaliyada Boqolkiiba Toban (%10) ka qayb qaataan taakulayntan, balse wacad ku maray inay samayn doonaan diiwaan galin, dadka aan mutadawacnimo kaga qayb qaadan gargaarkana guryahooda loogu gali doono.

Shirkana ayaa waxaa Waxa Kalmad wacdi ah ku furay Imaamka masjid jaamac Boston Sheekh Cabdulaahi Canshuur   Dhagayso

Shirkan ayaa waxaa Xidhiidhiye ka ahaa Cabdulqaadir Hindi Dhagayso

Waxaa warbixin laga diyaariyay Xaalada abaaraha ee Soomaaliya Guud ahaan Gaar ahaana Koonfurta Soomaaliya Soo jeediyay Cabdikariin Goolaf. Dhagayso

Waxaa isna dadka ku guubaabiyay ama dareen siiyay wajiga dhabta ah ee Haayadaha Gargaarka Cabdirisaaq Aadan Dhagayso

Waxaa kale oo dhaqanka ku salaysan isu gargaarida ee Soomaaliyeed ee salka ku haya diinta Islaamka soo jeediyay Maryan Gaas Dhagayso

Sidoo kale Cali Extra oo ah ruug cadaa aad uga soo shaqeeyay Soomaaliya ayaa dadka ku guubaabiyay in dadka jilicsan siiba Duqyda iyo Caruurta danyarta ah waxa laqabanayo laga bilaabo. Dhagayso

Xaga Siyaasada iyo Gargaarka bini aadamnimo waxaa ka hadlay Cabdulqaadir Yaasiin Dhagayso

Ugu danbeentii waxaa goobta la wareegay Sheekh Yuusuf Cabdulla oo ka hadlay uruka HARO oo jaaliyadu dhaqaalaha doonaso inay u sii mariso dadkeena tabaalaysan ee ku sugan Bakool iyo Shabeelada Hoose, isga oo carabka ku adkeeyay inay Haro sameeyaeen golaha Iimaamada Soomaalida Waqooyiga Ameerika isaguna uusan u shaqeen balse tahay Haayad haysata sharci ay dhaqaale kaga saari karta Maraykanka. Dhagayso

ugu danbayn shirka waxaa soo gabo gabeeyay Gudoomiyaha gudiga abaaraha jaaliyada reer Boston  Maluuka Dheere

Daawo Sawiradii Goobta Shirka!! Boston waxaa ku nool ugu yaraan 10,000 oo Soomaali ah, dadka goobta yimidna ee usoo damqaday walaalahooda Soomaaliyeed waxay ahaayeen ilaa 200 oo qof.

Eng. Xuseen Fiin

Boston

 

webmaster@ceegaag.com