shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiiradii cusbaa oo maanta lagu dhaariyay Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

(Muqdisho, July 28,  2011 Ceegaag Online)

Munaasabad ballaaran oo lagu dhaarinayay Golaha Wasiirada cusub ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo ay ka qeyb galeen Madaxda Dowladda KMG ah.

                      

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo munaasabada dhaarinta hadal gaaban ka jeediyay ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay hortaalo howl culus, isagoo Wasiiradiisa kula dar daarmay in 12-ka bilood ee soo socda looga fadhiyo in ay qabtaan howlaha badan.

                      

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta Xukuumadiisa u bilowday howl galkii rasmiga ah, isagoo xusay in Golihiisa Wasiirada uu ka sugayo in 12-ka bilood ee soo socda ay u shaqeeyaan si xowli ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo isna ka hadlay munaasabada dhaarinta wasiirada cusub ayaa sheegay inay fursad qaali u tahay inuu ka soo qeyb galo, isagoo tilmaamay in howlaha horyaaha ay yihiin kuwo adag.

                      

"Howlaha na horyaalo way adagyihiin, waqtiguna aad ayuu u yaryahay, laakin howlahaas oo dhan waan dhameystiri karnaa, sida aad la wada socotaan Soomaaliya waxaa ku habsady Abaarihii ugu xumaa abid, waxaana la rabaa in aan xalino"ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com