shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soomaali badan oo lagu xidhxidhay Magaalada Fort McMurray ee Gobolka Alberta ee Dalka Canada.

(Fort McMurray, July 10,  2011 Ceegaag Online)

In ka badan sodon qof oo Soomali ah ayey Military ga Dalka Kanada ku xireen Magaalada Fort McMurray ee gobolka Alberta, howgal ay Booliska loo yaqaano RCMP ka fuliyeen labo meheradood oo ay Soomaalidu aad ugu badan yihiin.

Howgalkan ayey RCMP-du ka fuliyeen Labo meherad oo ku yaala badhtamaha magaalada ayna leeyihiin haween Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Xaawo Gadhdheere iyo Xaliimo Gasle.

Howgalkan ayaa dhacay todobad ka dib markii labo mataano cadaan ah lagu dilay beer ku taala Magaalada Fort McMurray, Mana cadda in si toos ah howgalkan Milatary uu la xiriiro dilkii  Mataanahaas ee todobaadkii tagay ka dhacay Magaalada Fort McMurray.

Si kastaba ha ahaatee Gobolkan Alberta ee Dalka Canada ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafey lagu diley 34 dhalinyaro Soomaaliyeed ah, ilaa hadana majirto cid gacanta ku soo dhigtay dadkii dilalkaas ka damebeyay.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com