shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir Saxaafadeed ay qabteen Culumada iyo Gudiga dhismaha Masjid Jaamaca Laascaanod.

(Laascaanod, July 17,  2011 Ceegaag Online)

Halkan Ka Daawo

Culimada Magaalada Laascaanood ayaa Maanta Shir Saxaafadeed ay ku qabteen magaalada laascaanood waxay kaga warbixyeen daymo lagu leeyahay Masaajidka iyagoo sheegay in masjidku uu haatan marayo Heer Gabo Gabo ah waxaa kale oo ay ulimadu Baaq u soo jeediyeen Dhamaan Umada Muslimka ah e Hore uga Qayb qaadan jiray Dhismaha Masaajidka.

Lacagta lagu leeyahay masaajidka ayaa gaadhaysa 16,000(Toban iyo lix kun oo doolar)waxaana ku kala leh 3 Shirkadood oo kala ah Daldhis Company oo ah Shirkadii Qandaraaska Dhismaha Maajidka Wadey,Shirkadda Korontadda ee Lesco oo yana ah Shirkadii Korontada iyo marawaxaddaha Gelisay maasjidka iyo Shirkad la sheegay in ay samaysey Daaqado Almanium ah oo loogu talo Galay Dabaqa labaad ee Masaajidka

Mohamed Shaqalle

Tell: 00252-2-4499553

Ma_shaqale@hotmail.com 

Las-anod

 

webmaster@ceegaag.com