shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Seminaar ay Qabanayso Jaamacadda Nugaal oo ku saabsan  Kobcinta Saxaafadda.

(Laascaanod, July 31,  2011 Ceegaag Online)

Jaamacadda oo hada  gashay xiliggii fasaxa ee sanadka 2010-2011  ayaa ayaamahanba waxa ay ku hawlanayd sidii aqoonta ardayda kor loogu qaadi  lahaa xiligan fasaxa lagu jiro. Jaamacaddu waxay  mudo hada laga joogo isbuuc soo gabagabaysay  tartan  aqooneed iyo isbarasho ay uqabatay 9 Dugsi sare oo kadhacday xarunta Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood.

Waxaa kusugan magaalada Laascaanood qurba joog fara badan oo udhalatay deegaanka kuwaas oo fasaxoodii xagaaga ugu talagalay in ay  u faa iideeyaan bulshada kudhaqan magalaada Laascaanood .

Hadaba iyada oo ay saa tahay ayaa waxay  Jaamacaddu  qabanaysaa Seminaar soconaya mudo Isbuuc  oo uu bixinayo  mid kamid ah aqoonyahanada u dhashay deegaanka  oo magaciisa la yiraahdo Eng:Abdalla Shafey. Engineerka oo takhasus dheer u leh saxaafada  mudo aad udheerna kusoo dhex jiray miidaanka Saxaafada . Seminaarka oo loogu magac daray Kobcinta Saxaafada ayaa waxa uu bilaab mayaa 01/08/2011.

Waxaan ogaysiinaynaa hadaanu nahay Maamulka Jaamacadda Nugaal in ay kasoo qayb galaan cid  alaale iyo cidii xiisaynaysa Jaaniska qaaliga ah gaar ahaan Bahda Saxaafada ee Gobolka Sool.

 

Wabilaahi Towfiiq

 

webmaster@ceegaag.com