shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Naadiga Soomali Pen oo Daah Furey Buug La Magac baxay  (HOGAAMINTA WANAAGSAN ee uu Qorey Dr Cabdi Shire Warsame

(Muqdisho, July 02,  2011 Ceegaag Online)

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimaya uuna  Qabanqaabaddeeda lahaa Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaiyeed laantiisa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya  kaasoo lagu  soo bandhigay Buug uu qoray Cabdi Shire Warsame oo la magac baxay (HOGAAMINTA WANAAGSAN) ayaa lagu qabtay Hotel SAXAFI ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay Xildhibaano, Wasiiro, Qaybaha kala duwan ee Bulshada , Qorarayaal, Suxufiyiin , Haween iyo ardeyda  Jaamacadaha  iyo marti sharaf kale

 

Ugu Horeyn waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Naadiga Pen Laanta Koofurta iyo  Bartamaha Soomaaliya Cabdi Naasir Yuusuf Macalin wuxuuna si kooban uga hadley Waxqabadkii Naadiga Pen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya  wuxuu u mahadceliyey Qoraaga Buuga Hagaaminta Wanaagsan Dr Cabdi Shire Warsame oo uu sheegey in uu yahay Buug qiime ugu fadhiya Shacabka Soomaaliyeed maadaama ay aad ugu baahan yiihiin Hogaan Wanaagsan wuxxuuna Bulshadiii goobta isugu Timid kula dardaarmey in ay noqdaan kuwa wax qora , gudoomiyaha laanta Somali pen ayaa usheegay ka soo qeyb galayaasha in Somali pen uusan  aheyn urur siyaasadeed ayna ka caaganyihiin laakiin ay yihiin urur bulshada uhaaya howlo aad ubalaaran sida uhiilinta afka hooyo ee hodanka ah iyo sidii suugaanta iyo dhaqanka soomaaliyeed uu unoqon lahaa mid lagu soo hirto wuxuuna dadkii ka soo qeybgalay madashaas xusuusiyey  gabaygii ahaa  allaha unaxariistee abwaankii cabdi sinimoo ( WIXII QORANBAA QURUUMO HAREE MUXUU HADAL QIIMA LEEYAHAY) wuxuuna urajeeyey inay noqdaan kuwo wax ku qora afka soomaaliga .

Waxaa halkaa ka  hadlay Qoraaga Buuga Cabdi Shire Warsame oo sheegay in sababaha uu u qoray buugaan ay tahay maadaama Shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan hogaan wanaagsan isagoo sheegay in buugaani uu dadka ku toosinayo sidii ay u baran lahaayeen qaabka hogaanka toosan, maadaama laga soo bilaabo 1960-kii iyo hadda Soomaaliya aysan heli hogaan toosan taasoo sababtay in dalka uu ka dhaco dagaal sokeeye iyo burbur isagoo Buuga ku soo qaatey Oraah markasta looga baahan yahay Qofka Hogaan Noqda  in uusan ku sifoobin  Gar Eexo, Hadal Guracan iyo Gacan Laaban .

 

 Waxaa Munaasabadii lagu so Bandhigayey Buuga Hagaanka Wanaagsan ka Hadley Qoraa Saciid Shire Cali oo isagu ka mid ahaa dadkii Akhristey Buugga  oo ugu horeyn  u mahadceliyey Qoraaga Buuga oo uu sheegay in uu qabtay hawl muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed madaama ay bulshada Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabto hogaan Wanaagsan  oo ku duwan  dariiqa saxda ah.Saciid  waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan waxba ka aqoon waxa la yiraahdo hogaanka Wanaagsan , waayo burburka maanta na haysta kuma aynan dhacneyn haddii aan heli laheyn hogaan Wanaagsan  kaasoo uu sheegey in loo baahan yahay in  shacabka lagu barbaariyo, wuxuuna u soo jeediyey Qoraaga buuga in Buugaan la gaarsiiyo  meel kasta  oo ay joogaan dadka soomaaliyeed  waxa uu mahad uceliyey dowlada jabuuti iyo shacabkooda isagoo urajeeyey inay ciidaan ciideeda ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Naadiga Somali pen laanta koofurta iyo bartamaha soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waxay qabaneyeen howlo lagu xoojinayo sidii afka soomaaliyeed uu unoqon lahaa mid hagaaga oo gaara meel aad usareysa  laanta Somali pen waxay ku guuleysatay inay bulshada ka haqabtirto wixii awoodeeda ah  iyada oo qabata maalmaha caalamiga ee afka hooyo,tartan suugaaneedyo daahfurka buugaagta ku qoran afka soomaaliga iyo hadba wixii bulshada soomaaliyeed lagu hor marinkaro afkeeda iyo dhaqankeeda.

Daawo Sawiradii Xaflada

C/naasir Yuusuf Macalin

gudoomiyaha laanta Somali pen  ee bartamaha iyo koofurta soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com