shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaa hor taagan ku dhawaaqista golaha Wasiirada Ma Shariid Sakiin mise Sheekh Shariif, xog kooban.

(Kampala, July 20,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa inoo suuragashay inaan wareeysi kala duwan la yeesho qaar ka tirsan inta quud dareeynaysa inaay ka mid noqdaan golaha wasiirada cusub kuwaasoo masraxa siyaasada iyo dhagaha shacabka aanan ku cusbeyn waxaayna ii xaqiijiyeen in ay quus ka taagan yihiin garbaha ay isku halaynayaan oo iyagaba ah ku agaaasimayaal aan horey ugu magacaabay.

 

Shariif Xasan waxa uu si hoose u wataa qabqableyaalkii dagaalka ee Muqdisho hada ka hor kusoo dhaweeyey wuuna ka shidaal qaataa haba ugu darnaato inuu ku qanciyey inaaysan ka socon karin doonista shacabka kuwaasoo dhankooda qiray iyagoo doonaya kuwa ay isku heeb yihiin oo ay jecel yihiin inaay ku fushadaan danahooda gaarka ah.

Dhanka kale Sheekh Shariif ayaa isna rajanaynayay inuu kursigiiisa madaxweynenimo ku ilaashada qaar wasiiro ka ahaa golihii uu hogaanka u hayay Ra’iisul Wasaare Farmaajo kuwaasoo aad moodo inaay waxoogaa dhab ka tahay shaqadooda qandiyadoodana aan sidaasi u weyneyn si ay u noqdaan wasiiro la isku halayn karo.

 

Ra’iisul Wasaaraha cusub isaga waxaaba kasoo haray yaab iyo dheygag waayo xorba uma ahan waxaana horyaala waraaqo ay soo kala diyaarsadeen Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka taasoo fajaciso ku noqotay kuna dhaw inuu isaga huleelo gurigiisa uu ka yimi.

Waxaa meesha ka marnayn oo aanan u cuntamayn beesha caalamka oo sidaay doonaan Soomaaliya ka yeesha ahna golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya maadaama wax aysan rabin aan la socodsiin karin.

 

Maxayse tahay Xaajadu?

 

Sida warar ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka oo magaciisa diiday inaan halkan ku qoro ayaa ii sheegay in Golaha Wasiirada ay kala wataan labada masuul ee Shariifyaalo loo diiday in la keeno taasoo laga door bidayo wajiyo cusub iyo dad aanan Soomaaliya laga aqoon oo hor leh si ay wax uga qabtaan dhibaatada aduunka kasii jeestay ee xalka loo la’yahay ee Soomaaliya.

Waxaa soo diyaariyey
Maxamed Cabdulle Xasan ”Siidi”
Kampala  - Uganda

 

webmaster@ceegaag.com