shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galay munaasabada gooni isutaaga Koonfurta Sudan.

(K.Suudaan July 09,  2011 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka aroornimadii hore dalka ka dhoofay, waxaana socdaalka Madaxaweynaha la sheegayaa inuu la xariiro sidii uu uga qeyb geli lahaa munaasabadda gooni isu taagga Koofurta wadanka Suudaan, halkaasi oo maanta ay isugu imaanayaan madax ka socota beesha Caalamka, diblomaasiyiin iyo madax kalla duwan.

Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, waxaa saaka ku sii dhoweeyay xubno ka tirsan Golayaasha Xukuumadda, halka safarka Madaxweynahana ay horay usii raaceen xubno wasiiro ah.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa casuumaad ka helay madaxda wadanka cusub ee dalka Suudaan ka go'ay oo lagu magacaabo Koofurta wadanka Suudaan, waxaana la filayaa in sidoo kale marka uu Madaxweynaha Soomaaliya tago madasha goobta ay ka dhaceyso munaasabadda ku dhawaaqista madax bannaanida  wadanka Koonfurta Suudaan.

Madaxweynayaal ka kala socda wadamada Afrika ayaa sidoo kale la filayaa inay maanta gaadhaan Koofurta wadanka Suudaan, kuwaasi oo iyagu ka qeyb gelaya ku dhawaaqista wadanka cusub ee Koonfurta wadanka Suudaan.  

 

webmaster@ceegaag.com