shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jamciyadda gargaarka ee Sayib oo barakacayaasha Muqdisho soo gaaray u qaybisay bacooyin ay roobka ka galaan.

(Muqdisho, July 16,  2011 Ceegaag Online)

Jamciyadda gargaarka ee Sayib oo ka mid ah hay'daha maxalliga ah ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya ayaa baco u qaybisay dadkii abaaraha awgood uga soo barakacay gobollada koonfureed ee soo gaaray Muqdisho.

 

Mas'uulka mashaariicda jamaciyaddan Axmed Sheekh Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkan uu yahay mid ay ku deeqeen shacabka Soomaaliyeed ee dhaqaalaha haysta, si loogu badbaadiyo walaalahooda dhibaateysan. "Bacaha waxaan u qaybinnay 30-qoys oo ka mid ah kuwii dhawaan barakac ahaanta ku yimid Muqdisho," ayuu yiri Axmed Sheekh oo intaas ku daray inay sii wadi doonaan gargaarka ay u fidinayaan dadka abaaraha kasoo barakacay.

 

Qoysaska bacaha loo qaybiyay ayaa waxay ku biireen qoysas horay u daganaa kaam lagu magacaabo Markaabo oo ku yaalla xaafadda taleex ee degmada Hodan, waxaana gargaarkan loo qaybiyay xilli ay Muqdisho ka da'ayeen roobab dabeylo qabow wata. "Aad ayaan uga mahadcelinaynaa gargaarka aan ka helnay jacmiyadda gargaarka ee Sayib, waxaana nala soo gaarsiiyay xilli aan baahi weyn u qabnay," ayay tiri haweeney ka mid ahayd qoysaskii gargaarka loo
qaybiyay.

 

Roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da'ayay Muqdisho ayaa sababay inay dhintaan caruur iyo dad waayeel ah kaddib markii ay roobabka oo dabeylo wata ku da'een iyagoo aan haysan meel ay ka galaan.  Deeqdan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ka timid shacabka  Soomaaliyeed loona qaybiyay dadka abaaraha kasoo barakacay, marka laga reebo deeqo gacan taag ah oo ay shacabku la gaareen dadkan markii ay Muqdisho yimaadeen.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo jamciyada gargaarka Sayib ay deeqo gaarsiiso dadka ku dhibaateysan Muqdisho iyo hareeraheeda.

 

C/naasir yuusuf macalin

Muqdisho, Somalia

cnaasir114@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com