shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda Muqdisho oo guddi u magacowday gurmadka barakacayaasha abaaraha ee Muqdisho soo gaaray

(Muqdisho, July 20,  2011 Ceegaag Online)

Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ka jira dalka Soomaaliya ayaa maanta u magacowday guddi ka shaqeeya gurmadka gargaarka  abaaraha, waxaana guddigaas guddoomiye u ah Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo ah diiwaan-hayaha guud ee jaamacadda Muqdisho.

 Kulanka lagu magacaabay guddigan oo ka shaqeyn doona sidii gurmadka loo fidin lahaa dadka ay abaaraha saameynta xooggan ku yeesheen ee soo gaaray Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar, Dr. Sheekh Axmed Xasan Qudubi, maamulka, ardayda iyo macallimiinta Jaamacada Muqdisho.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh oo kulanka ka hadlay ayaa yiri: "Haddii aan si sax ah isku taageerno, waxaan hubaa oo ii muuqata inaan iskaalmeyn karno, oo aanan u baahanayn cid kale. Jaamacadda Muqdishana lagu aamini karo wixii dadkaas loosoo marsiiyo, sababtoo ah waxaad horay noogu aaminteen ilmihiinnii oo aan soo saarnay iyagoo mutacalimiin ah."
 

 Dr. Sheekh Axmed Qudubi, oo isaguna goobta ka hadlay ayaa si aad ah uga hadlay abaaraha ku dhuftay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in telefishinka Al-Jazeera uu ka daawaday filimaan laga soo qaaday dadka ay abaaruhu ku dhufteen, wuxuuna sheegay isagoo ilmeynaya in  xaaladdaas ay aad uga murugooday.

 "Roobkii aan u adkeysan waynay innagoo guryaheenna joogna ayaa waxaa ii muuqday barakacyaal uu si toos ah roobku dushoodu uga da'ayo.  Dareenkaas wuxuu ii diiday inaan cunno cuno, hurdo sax ahna aan seexdo iyo wax walba oo nafta u roon," ayuu yiri Dr. Sheekh Axmed Qudubi.
 
 Ardaydii, maamulkii iyo macallimiintii kulankaas ku sugnaa ayaa muujiyay dareenka kaga aadan wax u qabashada dadka dhibaateysan ee  walaalahood ah, iyagoo qaar ka mid ah ay la ilmeeyeen xanuunka sheekooyinka ku saabsan abaaraha ee ay soo bandhigeen mas'uuliyiintii hadlay.
 
 Guddigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dhibaatooyin daran ku haystaan gudaha Muqdisho kumannaan qof oo xoolahoodii ku waayay abaaraha iyo kuwo kale oo beerihii ay u bixi waayeen.
 
 Barakacayaashan ayaa qaarkood waxay caruurtoodii uga soo tageen jidadka, kaddib markii ay baahi awgeed wadi waayeen, waxaana Jaamacadda Muqdisho ay furtay accoun-no ay ugu talogashay inay cid walba oo awood leh ay kusoo riddo dhaqaale lagu caawiyo barakacayaasha, gaar ahaan ardaydii ka qalin jabiyay iyo kuwa hadda dhigta. Waxaana furan Acc# 8555 oo shirkadda Dahabshiil qaybteeda Banaadir.

 Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Jaamacadda Muqdisho sameyso gurmad noocan oo kale ah, balse sannadkii 2006 ayay sameysay gurmad noocaan oo kale ah, markaasoo ay daadad badan ku dhufteen gobollada dalka qaarkood.


 

C/naasir Yuusuf Macalin
Muqdisha. Somalia 
 


 

 

webmaster@ceegaag.com