shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyada reer Boston oo ka shiray sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen Gargaarka Soomaalida ku tabaaleesan Caasimada iyo xerooyinka Qaxootiyada.

(Boston, July 16,  2011 Ceegaag Online)

Qaar ka mida jaaliyada reer Boston ayaa shalay ku shiray xarunta ACEDONE(African Community Economic Development of New England) iyagoo ka shiray sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen Gargaarka Soomaalida ku tabaaleesan Caasimada iyo xerooyinka Qaxootiyada ee abaartu halaakeesay. Kooxdan ayaa iyagu ahaa kuwo u damqaday dadkooda Soomaaliyeed ee colaada abaaruhu ku habsadeen iyaga oo ku nuux nuux saday inay wax ka qabtaan intii karaankooda ah dhibaatadan abaareed  ee haatan ka taagan Nawaaxiga gobolada Gedo, Jubooyinka, Bay, Bakool, iyo Banaadir.

Waxaa la ogaysiinayaa jaaliyada Soomaalida ee reer Boston inay bilaabantay hawsha gargargaarku iyada oo lagu boorinayo in laga qaybqaato dardar galinta taakuleenta dadkeena.

Waxaa lagama maarmaan ah in la helo Gudi maamusha oo ka jibo keena hawlaha culus ee gargaarka degdega ah loogu fidinayo dadkeena, waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo todoba (7) ruux oo u qalma inay inoo noqdaan Qaybta fulinta ee Gudidaa, sidoo kale waa in la helaa dad naftood hurayaal ah oo dadka lacagta ka uruuriya tiradoodana ay noqotaa shan iyo toban(15) ruux, waxaa kale oo loo baahan yahay sadex (3) ruux oo dhaqaalaha maamula.

Waxaa hadaba lagu baraarujinayaa Jaaliada Soomaalida ee Boston inuu shir lagu lafagurayo hawlahan uu ka dhici doono xarunta SDC da ee 205 Green Street, Jamaica Plain, Saacadu waa 6:00PM Isniinta July 18, 2011.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com