shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudi loo magacaabay Wax ka qabashada abaaraha ku habsaday Soomaaliya

(Boston, July 19,  2011 Ceegaag Online)

JaaliyadaSoomaalida ee reer Boston ayaa Gudi shaqo u magacaabay abaaraha ku habsaday Soomaaliya, Gudigan ayaa lagu soo afjaray sagaal(9) xubnood oo gudoomin ah, laba iyo toban(12) xubnood oo dhaqaale uruurin ah iyo sadex xubnood oo xisaabiyayaal ah.

Sidoo kale waxaa la go'aamiyay in si siman dadka looga uruuriyo dhaqaale go'an kaa soo lagu sargooyay 500 shaqsi X min $100 = lamida 50,000(konton kun oo doolar) iyo 500 shaqsi X min $50 = lamida 25,000(shan iyo labaatan kun oo doolar).

Sidoo kale waxaa lago'aamiyay in la soo bandhigo cida dhaqaalahan loo dhiibayo iyo meesha loodirayo Arbacadan ay bishu tahay July 20, 2011 sidoo kale waxaa la go'aamiyay in lasameeyo Tigidho lagu uruuriyo lacagta waxaana dadwaynahalagu boorinayaa inaysan wax lacag ah bixin hadii aan isla markiiba la siin tigidh u dhigma hadba inta dhaqaale uu bixiyay iyada oo aan la ogolaan doonin dhaqaale ka yar $50,  lagana codsanaayo dadka in lays xilqaamo.

Gudiga Gudoominta

  1. Axmed Xasan(Murshid) (Xubin)

  2. Cabdiraxmaan Yuusuf  (Xubin)

  3. Cabdirisaaq Aadan   (Xubin)

  4. Cabdixamiid Cali  (Xubin)

  5. Cabdulqaadir Hindi  (Xubin)

  6. Hibo Xaashi   (Xubin)

  7. Muluuko Cabdulqaadir Dheere  (Gudoomiye)

  8. Xuseen Fiin  (Xubin)

  9. Yuusuf Cabdule  (Xubin)

 

Gudiga Dhaqaalaha

  1. Axmed Xasan (Murshid) (Xubin)

  2. Cabdirisaaq Jaamac  (Xubin)

  3. Cabdulqaadir Hindi  (Gudoomiye)

  4. Hashim Siraaji   (Xubin)

  5. Hodan Shirdoon  (Xubin)

  6. Khaliif Axmed  (Xubin)

  7. Maxamed Aadan  (Xubin)

  8. Maxamed Cabdinaasir (Xubin)

  9. Saciid Xasan (Xubin)

  10. Sucaad Warsame  (Xubin)

  11. Salmaan Cabdulaahi  (Xubin)

  12. Xasan Cali  (Xubin)

Gudiga Xisaabaadka

  1. Cabdikariin Galoof  (Gudoomiye)

  2. Cumaan Afgaab   (Xubin)

  3. Muluuko Cabdulqaadir Dheere  (Xubin)

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com