shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudi abaareedyo laga dhisayo qurbaha iyo kaalinta Jaaliyada reer Boston.

(Boston, July 28,  2011 Ceegaag Online)

Jaaliyadaha Soomaalida eeku dhaqan dalka dibadiisa ayaa bilaabay olole balaadhan oo ay ugaqayb qaadanayaan gurmadka caalamiga ah ee aduunku u fidinayo dadka ku dhaqan Geeska Afrika  siiba wadanka Soomaaliya oo gabi ahaanba ay rakaadiyeen abaaro ba’an iyo colaad aan dhamaad lahayn.

Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Bakool ayaa iyaga lagu xardhay inay ka jiraan abaaro dabargayn u saaxiib ah. Iyada oo dalka intiisa kale la ildaran yahay roobab xumi keentay in ay gabaabsi noqdaan baadkii iyo biyihii nolasha suuro galinayay.

Magaalada Boston ayaa laga bilaabay gurmad la doonayo in wax lagaga qabto abaarahaa saameeyay Soomaaliya, iyada oo jaaliyadu sameysteen gudiyo u maamula hawlaha abaaraha, gudiyadan ayaa si xawli ah uga uruurinaya dhaqaale ay doonayaan inay wax kaga qabtaan abaaraha ka taagan gobolada Shabeelada Hoose iyo Bakool.

Gudiyadan ayaa soo diyaariyay xaflad aad u balaadhan oo dhacasa sabtidan July 30, 2011, kana dhacasa masjid jaamaca magaalada, xafladan ayaa laysku war galindoonaa hadii ‘Alle idmo’ meesha ay maraso dhaqaale uruurinta  iyo xaalada abaareed ee ka taagan Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan tan ka taagan Gobolada Shabeelada Hoose iyo Bokool oo jaaliyadu doonayaan in ay gaadhsiiyaan macaawinada ugu horaysa ramadaanka dhexdiisa.

Eng.Xuseen Fiin

Boston.

 

webmaster@ceegaag.com