shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fanaanada Caanka ah Kinsi Xaaji aaden oo magaalada Hargeysa ku geeriyootay.

(Hargeysa, July 22,  2011 Ceegaag Online)

Fanaanada wayn ee Caanka ah Kinsi Xaaji Aadan isla markaana safka hore uga jirtey udub dhiga & horumarinta fanka Soomaaliyeed ayaa goor dhaweyd ku geeriyootey magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland.

ALLAHA u naxariistee Kinsi Xaaji Aadan (Caqaarta)  waxay ku biirtey Fanka sanadihii Todobaatameeyadii waxaana ay aheyd gabadha ugu horeysa kooxdii ugu horeysay ee ay ku biirto ee Onkod ee ciidamadii Asluubta Soomaaliyeed.

Sanadkii 1980-kii ayey Kinsi ku biirtey ama u wareegtey kooxdii Waaberi Hargeysa, waxaana xiligaasi ay si deg deg ula soo baxdey muwahibo xaga fanka & Alifaada ah, iyadoo ka qayb qaadatey riwaayado fara badan oo ay ka mid ahaaheeyn.

Waa Maadeys aduunyadu dadkuna way matalayaan oo uu alifay Abwaan Sangub.
Masiibadu aduunyada iyadaa u macalina oo uu curiyey Abwaan Xasan Ganey
Abaalku raggu geystiyo Ilowshiyo Haween oo uu sameeyey Abawaan Jaamac Daad.

Fanaanada Kinsi Xaaji Alifaada riwaayadaha kuma ekeyn oo kaliya ee waxay kaloo safka hore ka gashay haweenka heesaha ku luuqeeya, isla markaana heesaheeda faraha badani ay dadku jecelyihiin, waxaana ka mid ah:-
 

  • Wajiyeaal Is xusuustaa
  • Heestii Iminka dhudhumiyo oo ay wada qaadeen marxuum Siciid Mire Xaydar, heestaadi oo aheyd tii uggu horeysay ee ay qaado fanaanada
  • Hablow guurku waa dane dib u soo baraaruga
  • Lama hubo hal fooftaa inay caawa soo hoyan.

    Waxaanu marxuumaddaas ilaahay uga baryaynaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo Ummada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan inaga siiyo

    AAMIIN….AAMIIN……..AAMIIN

     

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com