shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Mareekanka ayaa u diyaarisay Gargar Bini’aadamnimo Soomaaliya sidoo kalena gaadhsiinasa gargaarkan goobaha ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

(Washington July 07,  2011 Ceegaag Online)

Dawlada Mareykanka oo si taxadar ah uga fiirsanaya go’aanka Alshabaab ee ugu ogolaadeen Hay’adaha samafalka inay marlabaad ka hawlgalaan gobolada Koonfureed ee ay gacanta ku hayaan. Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay in Mareykanku uu diyaar u yahay in uu ka fiirsado hadalka ka soo yeeray Al- Shabaabka si looga fogaado in macluusha gobolka ka jirta ay dad badan noloshooda ku waayaan.

Xukuumadda Mareykanka ayaa sheegay in Deeq bixiyeyaasha iyo beesha caalamka ay fursad u tahay in ay ogaadaan in kooxda uu dhab ka yahay hadalkaas iyo inkale, si dadka baahan ay u helaan kaalmo bani’aadamnimo oo deg deg ah. Afhayeen u hadashay waaxda arrimaha dibadda Victoria Nuland ayaa sheegtay in abaarta ay dhici karto in ay ku barakaceen 1.5 million oo dad ah, Soomaaliya, Ethiopia iyo Kenya, islamarkaana Mareykanku uu bilaabay in uu diyaariyo cuno gargaar ah oo dadkaasi lagu caawinayo.

Victoria Nuland ayaa sheegtay in cunno gaareysa 19,000 Metric tons ay gaarsiiyeen hay’adda barnaamijka cunnada adduunka, in badan oo ka mid ahna bakhaarrada lagu xareeyo si dadkaasi loogu caawiyo. Hay’adda cunnada adduunka ayaa ka baxday koonfurta Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay sababo la xiriira hanjabaado iyo lacago baad ah oo Shabaabka ay ka dalbadeen, balse afhayeen UN-ka ka tirsan oo Nairobi jooga ayaa sheegay in ururka uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo qof kasta oo doonayo in dadkaasi nafsadooda la bad baadiyo.

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com