shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Itoobiya oo usoo iibsanasa Karayaal casri ah oo ay kula dagaalamaso Jabhada Xoraynta Soomaalida Ogaadeeniya.

(Addisababa  July 06,  2011 Ceegaag Online)

Raysal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa maanta u sheegay mudanayaasha aqalka wakiilada ee Itoobiya in ay dawladiisu wadanka Ukraine ka soo iibsanaso hub Kaarayaal u badan oo tiradooda lagu qiyaasay 200 oo Kaare nooca T-72  oo ay ku baxaso aduun dhan todoba kun oo malyan oo doolar (7,000,000,000).

Hubkan ayuu sheegay inay badali doonaan hubka duqoobay ee aanu haysano ayuu yidhi isaga oo sii raaciyay waxaa inala dagaalamaya laba cadow midi waa Eratariya kankalena waa Jabhada ONLF ayuu yidhi.

Dawlada Itoobiya ayaa ku soo iibsanasa hubkan mashaariic ay wadanka shiinaha uga qaadatay baadhitaanka Saliida ee ay doonaso inay ka bilowda dhulka Soomaalida.

Raysal wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay hub aynu kula dagaalamiaan Soomaalida iyo Eretariyaanka si loo sugo xuduudaha iyo in aan la carqaladeen soosaarida Saliida oo lasheegay inay Ceegaagto dhulka Soomaalida.

Iskusoo wada duuboo iyada oo ay dhaawacantay cudidii Soomaalida ahayd ee la dagaalamasay Itoobiya  ayaa hadana aysan u suurto galin inay sidii aydoonto ka yeesha Dhulka Soomaalida ee Ay gacanta kuhayso Xukuumada ka arimasa Addis-Ababa.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com