shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dadka Soomaalida oo ku le’anaya safar xaga lugta ah uu loogu guurayo xerooyinka qaxootiga ee wadamada Kenya iyo Itoobiya.

(Dhadhaab, K/Soomaaliya  July 05,  2011 Ceegaag Online)

Caruurta Soomaaliyeed ayaa haraad, gaajo iyo daal ula dhimanaya deegaanada Koonfurta Soomaaliya ku waa soo ka cararaya abaar ba’an oo ku habsatay deegaanada Koonfureed ee Soomaaliya. Dad lagu qiyaasayo ilaa 400,000 qof ayaa hada xerada qaxootiga ee Dhadhaab ku sugan xeradaa oo laagu talo galay ilaa 90, 000 oo qof.

Dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa kalifay ka dib markii dhaqaalihii loogu talo galay ay ku dhacayaan shaqaalaha jinciyada qaramada midoobay magaalada Nayroobi. Iyagoo ku kufsada Gabdhaha yaryar Hoteelada waayana ku Seexda iyaga iyo dad Soomaali ku sheega oo la qaraabta.

Caruurta ayaa aad ugu hoo banaya xerooyinka qaxootiga iyaga oo soo gaadhaya xeryaha iyaga oo naftu saaran tahay. Dadka jaaliyada Soomaalida ee dibadaha ayaana ilaa hada wax gar gaar ah lasoo gaadhin amaba aan dareen saneen dhibaatada baaxada leh ee dadkoodii u gaystaan kooxaha Argagixisada Al-shabaab iyo bililiqada dgaqaalihii dunidu ku caawisay oo ay bililiqaystaan  shaqaala qaramada midoobay.

Xerada Dhadhaab oo kaliya waxaa maalintii yimaada dad lagu qiyaasay 2,000 oo qof iyada oo ilaa 60,000 ruux ay yimaadeen bishii ina dhaaftay ee Juun. Soomaalida Qurbaha ayaa ku mashquulsan u dabaaldaga Maalmaha Xoriyada iyada oo dadkoodii gaajo, Amaandaro, Argagixiso, Biyo la’aan la il daran yihiin.

Ilaahada lama oga tirada dadka ku la'anaya safarka dheer ee dadku uga soo boqoolayaan Gobolada ay Al-shabaab gacanta ku hayso.

 

webmaster@ceegaag.com