shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barlamaanka Soomaaliya oo Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumada cusub ee Ra’iisal Wasaare C/weli Mohamed Gaas.

(Muqdisho, July 23,  2011 Ceegaag Online)

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumada cusub ee Soomaaliya, kadib markii saaka la horgeeyay Xukuumada cusub ee uu dhowaan soo dhisay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali .

Kulanka Baarlamaanka oo xalay la sii qorsheeyay, isla markaana lagu wargeliyay Xildhibaanada ayaa Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali waxaa uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlayay waxqabadka Xukuumadiisa.

Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay xooga saari doonto arrimaha Ammaanka iyo wax ka qabashada xaaladaha bani'aadanimo ee ka jira dalka, Khudbada Ra'iisul wasaaraha oo aheyd mid aad u dheereyd, ayaa waxaa kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka uu sheegay in cod la geliyo ansixinta Xukuumada.

Gudoomiye Shariif Xasan ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka ay ka soo qeyb galeen 420-xildhibaan, isagoo cod gacan taag ah oo Xildhibaanada u qaadeen kadib ansixisay 397-xildhibaan, halka 21 ay diideen, waxaa ka aamusay 2-xildhibaan, Shariif Xasan ayaa intaas kadib waxaa uu ku tilmaamay Xukuumada cusub inay ansax tahay, isla markaana ay howl geli karto.

 

Inkastoo kulanka Baarlamaanka maanta lagu wado in loo qeybiyo ajandaha Xukuumada ayaa hadana Gudoomiyaha Baarlamaanka si lama filaan ah u geliyay in cod loogu qaado

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com