shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay’adda HADA (Ohio) iyo Doorka ay ka qaateen Dugsiyada sare iyo Jaamacadda Nugaal Lasanod.

(Laascaanod, July 28,  2011 Ceegaag Online)

Jaamacadda Nugaal waxa dhidibada loo taagay sanadii 2004. Xiligaas oo lagu bilaabay dufcadii ugu horraysay, iyadoo ay xiligaas jaamacaddu la kulantay dhabarkana u ridatay culayskii baahidii loo qabay Jaamacad oo aanay ka jirin deegaankan wax jaamacad ahi. Sidaas daareed na ay arday badan oo ka baxday dugsiyada sare, iyo arday kala duwan oo ay waxbarashadu ka kala go’day  oo iyaguna ka faa’iideystay kuna soo biiray jaamacadda.Halkaas oo ay jaamacaddu ka ka bilowday hilinkeedii waxbarasho.  

Hadaba, jaamacadda oo maalinba maalinta ka dambaysay ka sii horumaraysay waxay ku guulaysatay inay ka qalin jebiyaan sanadkii 2010- ka dufcadii ugu horaysay oo ka qaadatay Jaamacadda shahaadada koowaad ee (Bachelor degree in Bussiness),  ardaydaa oo wax badan ka qabtay deeganka kuna soo kordhiyay gobalka horumarka xagga  waxbarashada iyo arimaha bulshada ee mandiqadda waxayna shaqooyin kala duwan ka heleen goobo caan ah, sidoo kalena sumcad u soo jiiday horumarka jaamacadda Nugaal iyo deegaanka ay ku taal.

Iyada oo Jaamacaddu  kaduulaysa hadafkeeda ah  in ay ka haqab tirto baahida wax barasho ee heer  jaamacadeed dhamaan bulshada ku dhaqan deegaanada Sool iyo nawaaxigeeda  ee ay ku habsaday ama uu aafeeyey Jahligu. Jaamacaddu waxay ku guulaysatay sidii ay xidhiidh ula samayn lahayd Jaamacadaha ku yaal aduunka iyo kuwa Somaalida.  Sidaa daraadeed waxay xidhiidho kala duwan la samaysay jaamacadaha deriska iyo kuwo caalami ahba, waxay kaloo ka qayb gashay shirar ka dhacay meelo kala duwan oo la xidhiidhay horumarinta jaamacadaha  sida shirkii Jaamacadaha bariga  Afrika ee Nairobi, shirkii Jaamacadaha Africanka ee Djabuti  iyo shirkii caalamiga ahaa ee jaamacadaha Africa iyo Spain.

Shirarkaas oo ay jaamacaddu ka heshay fursad ay ku kala saxeexdeen heshiisyo iyo wada shaqayn dhex mara 70 jaamacadood oo ku yaal Africa iyo 40 jaamacadood oo ku yaal Spain iyo Yurub ta kale. Halkaas oo ay Jaamacadda Nugaali ahayd jaamacadda kaliya ee Somalia ku taal kana qayb gashay shirkaas isaga ah oo ka dhacay Spain bishii Oktobar 2010.

Kuliyadaha jaamacadu ka kooban tahay waxa ka mid ah:

  1. Bachelor of Business administration and Management
  2. Bachelor of Computer Science
  3. Bachelor of Sharia and Islamic studies
  4. Bachelor of Education
  5. Bachelor of Community Development
  6. Pre-Universirty and Foundation Courses
  7. Institute of Health Science

 

Waxa kale oo xusid mudan in ay jaamacaddu bixiso koorsooyin kala duwan oo ah koorsooyin kooban sida mid hal sano ah ama lix bilood oo lagu qaato Shahaadooyin xirfadeed sida:

  1. Teacher training
  2. ICT training
  3. English courses
  4. Business courses

Habada, iyadoo ay jaamacaddu ka duulayso qaab dhismeedka horumarka bulshada ee dhinacyada kala duwan waxay ku guulaysatay inay aasaasto ururo kala duwan oo ka shaqeeya horumarka waxbarashada bulshada iyo dhanka horumarka deegaankaba, waxana laga xusi karaa ururadaas:

  1. Midowga ardayda Jaamacadda Nugaal (Nugal University Student’s union – Nusu)

 

 

 

 

 

 

 

Midowgan oo la aasaasay sanadkii 2010- ka wuxuu ku guulaystay inuu wacyi gelin ka sameeyo deegaanada kala duwan ee gobolada Sool, Sanaag iyo  Buuhoodle isagoo ardayda dugsiyada sare la yeeshay kulamo dhiiri gelin iyo wacyi gelin isugu jira iyaga oo wacyigalintooda ka bilaabay dugsiyada sare ee  Laascaanood kadibna u talaabay deegaanada ku wareegsan Laascaanod sida, Boocame,Taleex ,Xudun,Yagoori, Kalabaydh, Widhwidh iyo Buuhoodle. Sidoo kale, waxa ay sameeyeen wacyi galin  ka kuwajahan  dhalinyarda ku dhaqan mandaqada in wax bartaan oo si ay horumar u gaadhaan.ururkan oo  hada soo wada cilmi baadhis sheegays  tirade wax barata iyo tirad aan wax baran ee deegaanada Sool,Sanaag, iyo Cayn.

  1. Nugaal University Scholarship Girls Enviromental Development  (NUSGED).

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ururkan oo ah gabdho iyagu jaamacadda ku dhigta deeq waxbarasho (Scholarship)Waxay ka shaqeeyaan horumarinta deegaanka, iyagoo ka sameeyay ololo balaadhan in bacaha laga nadiifiyo deegaanka, nidaaminta qashinka daadsan oo loo sameeyo goobo lagu ururiyo laguna gubo qashinka. Waxyaabaha ay ku guulaysteen ururkani waxa ka mid ah, kor u qaadida bilicda deegaanka, goynta dhirta aan anfaca ulahayn bulshada sida geedka garanwaaga.

Haddaba, waxa xusid mudan in ay Jaamacaddu qabatay tartan aqooneed aad u balaadhan laguna kulmiyey ardayda dhigata dugsiyada sare ee ku yaal deegaanka Sool iyo Cayn. Tartan aqooneedkan wuxu ka dhacay mid ka mid ah hoolalka Jaamacadda Nugaal markay mudadii u dhaxaysay 15 -19 bishii July ee sanadkan. Dugsiyada tartan aqooneedkani dhex maray waxa ka mid ahaa:

 

  1. Muuse yuusuf Secondry School (Lasanod)
  2. Ilays Secondry School (Lasanod)
  3. Nugaal Secondry School (Lasanod)
  4. Nageeye Secondry School (Yagoori)
  5. Taleex Secondry School(Taleex)
  6. Xudun Secondry School (xudun)
  7. Boocame Secondry School(Boocame)
  8. Samatar Baxnaan Secondry School(Buuhodle)
  9. Howd Secondry School(Buuhodle

Waxa iyagu aan fursad u helin inay ka soo qayb galaan tartan aqooneedka iyo isbarashidii dhexmartay dugsiyada sare iyo jaamacadda Nugaal dugsiyada kala ah, Widh-widh iyo kala baydh duruufo jiro awgeed .Dhanka kale waxa ay sababtay ama ay keentay kulankan qimaha badan in ay samaysanto dalad ay ku midaysan yihiin dhamaan dugsiyada sare ee deeganka ku yaal. Waxana loo wanqalay dalad kulmisa dugsiyada sare oo magaceeda la yidhaahdo, Daraawiish High Interconnection Schools Association (DHISA)

Mahadnaq:

Mahadda Alle ka dib, waxa Maamulka jaamacadda Nugaal iyo ururka midowga ardayda jaamacadda Nugaal mahad gaar ah u hawada u soo marinayaan ururka magciisa la yidhahdo Horn Of African Development Agency (H.A.D.A) oo ah dhalinyaro ku nool North America gobalka Ohio State. Dhalinyaradan oo ka kooban arday iyo aqoon yahano ka soo jeeda gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn waxay suura geliyeen inuu qabsoomo tartan aqooneed iyo isbarasho dhexmarta ardayda dugusiyada sare ee deegaanka Sool, Sanaag iyo Cayn

Waxan idinku bishaaraynaynaa in jaamacaddu u furan tahay dhamaanba ardayda Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Daawo Sawiradda

Waxa diyaariyey Gudiga ardayda midowga Jaamacadda Nugaal Lasanod.                
 

 

webmaster@ceegaag.com