shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Siminaar ku saabsan Waxbarashada Dadban oo lagu soo Xidhay Hoolka shirarka ee Wasaarada Waxbara-shada loogana Dooday Waxbarashada Dadban.

 

(Garoowe, January 04,  2011 Ceegaag Online)

Xarunta Wasaarada Waxbaarshada ee Puntland Hoolka shirarka ayaa Maanta lagu soo Xidhay Siminaar Labo Maalmood ah oo Wasaarada Waxbarashada ee Puntland u Qabatay Gudoomiya yaasha Waxbaarsahada ee Gobolada Puntland
iyo Waaxyaha kale ee Wasaarada Waxbaarshada ee Puntland oo ka socday Labo Maalmood Magaalada Garoowe.

Tababarkani ayaana Waxa soo Qabab Qaabiyey Waaxda Waxbarashada (Non-formol Education NFE Waxana tabarkani uu ku saabsanaa Qaabkii kor loogu Qaadi lahaa Waxbarashada Dadban ee ka socotay Dugsiga Waxbarashada ee Puntland isla Markaana Wada shaqayn toos ah u dhexmari lahay, tabarkani ayaana Waxa soo Qaban Qaabiyey  Waaxda Waxbarashada dadban Waxana kulankaasi ka soo Qayb galay Agaasimaha Waxadaasi safiyo Sugule iyo Wasiir kuxigeenka Waxbaarshada iyo Masuuliyiin kale.

Dood Dheer oo Dhex Martay ka soo Qayb Galayaashii kadib Waxa go,aan lagu gaadhay in Kor loo Qaato Horumarinta Waxbarashada Dadban, Waaxda Waxbarashada Dadban ayaana ku guulaysatay inay goobo Waxbarasho dad
ban ka hirgalisyo Gobolada Puntland oo dhan isla markaana Kor u Qaatay Heerka Waxbarsahada Dadban ee Puntland ka socota.

Cali dhagjar
Garowe



webmaster@ceegaag.com