shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SHIRWEYNAHA LIXAAD SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL AZ

 

(Phoenix, Arizona January 01,  2011 Ceegaag Online)

A   R   I   Z   O   N   A

2425 E. THOMAS ROAD - # 10/12; PHOENIX, AZ 85016

PH: (602) 522 2100; FAX (602) 667 9700

www.somaliauc.org     

                                                                                               

 

SHIRWEYNAHA LIXAAD

SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL AZ

 

Waxaa maanta oo ay tariikhdu tahay 1da  Jan. 2011 lagu qabtay xarunta Ururka Somali American United Council - Magalaweynta FINIX ee Dawlad Goboleedka Arizona SHIRWEYNAHA LIXAAD ee Ururka Somali Ametican United Council ee Arizona, iyadoo ay kasoo qayb galeen dhammaan xubnaha iyo tageerayaasha Ururkan.

 

Waxaa kulankaas lagu gunaanaday xaflad si heer sare ah losoo agaasimay, si habsami lehna loo habmaamusay, loona daadihiyay. Kulankaas waxaa si habsami leh loogu falanqeeyay, laguna qiimeeyay waxqabadka ururka ee sannadka 2010 iyo qorshe-hawleedka sannadka 2011.

 

Isla kulankaas waxaa lagu doortay hoggaanka iyo Hawlwadeennada Ururka ee sannadka 2011. Kulankaas qiimaha iyo qaayaha weyn, doorashada xalaasha ah iyo xaflada habmaamuusan waxaa si heer sare ah ku maamulayey, kuna daadihinayey Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Lixaad ee SAUC-AZ Mudane Saciid Maxamud Adam iyo xubnaha guddigiisa. Waxaana aayado quraan ah ku furay kulankaas Sheikh Axmad Yusuf, waxaana wacdi, gabay iyo ducaba kusoo bandhigay Baaba Sayid iyo Sheikh Hassan Garam-Garam.

 

Ugu dambeyntii wuxuu Guddoomiyuhu halkaas kusoo bandhigay natiijada doorashada oo si xilkasnimo iyo habsami ku dheehan-tahay u fushay xubnaha ku guuleystay kalsoonida iyo doorashada Ururka oo kala ah: Prof. Maxamad Cali Abukar, waxaa loo doortay Madaxweynaha Golaha iyo Masuulka Maamulka Guud ee Ururka, waxaana Kaalinaya Mudane Saciid Maxamud Adam iyo Cabdullahi Salaad. Waxaa kaloo Guddoomiyaha Guddiga Goaaminta loo xushay Marwo Shacni Cumar Cali, waxaana kaalinaya Cali Shekheey (Shariif) oo kuxigeen ah iyo 7 xubnood oo ay ka mid yihiin laba Garyaqaan ee Degaanka looga riyaaqay oo kala ah: Melody Harmon iyo Jack Salvatore.

 

Ugu dambeyntii waxaa aad loogu riyaaqay Maamulka toosan, nidaamka haboon ee Ururku ku dhaqmayo, iyo adeega suuban oo ay Somali American United Council ee Arizona ku takuleeyso Jaaliyada iyo bulshaweynta Somali-American ee Arizona deggan.

Daawo Sawirada

 

SAUC

Phoenix, AZ
 



webmaster@ceegaag.com