shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada Amal Express oo ka hadashay Biyo Qaybinta ay ka bilowday Buuhoodle

 

(Buuhoodle, January 27,  2010 Ceegaag Online)

Cali Dhagjar oo Waraysi Kaqaaday midkamida Masuuliyiinta AMAL Saleebaan Khaliif Axmed Dhagayso


Xawaalada Amal Express oo Maanta  24/1/2011 Magaalada buuhoodle  ka bilowday Biyo  Qeybin una Qaybisay  Dadka danyarta ah  ee Magaalada Buuhoodle ku Nool Biyahaas oo gaadhaya 700 Boqol oo Foosto iyadoo Magaalada Buuhoodle ay ka jirto Biyo la,aan ba,an  Biyahaas oo laga soo dhaaminayo Tuulooyinka ku hareeraysan Magaalada Buuhoodle.

Qiimaha Foostada Biyaha ah  ayaa ku imaanaysa xiligan Malaagada Buuhoodle 3$dollar  Taas oo Sababtay inaan Dadka danyarta ah Biyahaasi aysan iibsan Karin.

Xawaalada Amal  Express  oo ugu  tala gashay abaarahaka kajira Soomaaliya  lacag dhan 50,000$ oo doolar oo ay ku caawinayso dadka ay saameeyeen abaarahu.

 

Xawaalada Amal Express Biyahaas   ay gaadhsiisay Dadka denyarta ah ee ku Nool Magaalada Buuhoodle waxay ka mid tahay lacagtaa ay Amal Expres ugu talagashay abaaraha ka jira soomaliya

Waxaana loogu baaqayaa umada Muslimiinta ah inay soo caawiyaan dadka walaalohooda ee Tabaalaysan.

Cali dhagjar

Ceegaag.com

Buuhodle


 

webmaster@ceegaag.com