shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mudaaharaad lagaga soo Horjeedo 18 maxbuus oo dagaalkii Hagoogane ee shalay lagu qabtay oo lageeyay Burco  oo ka dhacaya Buuhoodle

 

(Buuhoodle, January 31,  2011 Ceegaag Online)

Mudaaharaad balaadhan ayaa hada ka soconaya magaalada Buuhoodle ee gobolka cayn mudaaharaadkaa oo lagaga soo hor jeedo dagaalka macno darada ah ee ka soo cusboonaaday xiisadii Kalshaale iyo gaynta la geeyay maxaabiis tiradooda lagu sheegay sideed iyo toban magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Dhinaca kale maydadkii sadex nin ee reer Buuhoodle ahaa  ayaa saaka la keenay Buuhoodle, dhinaca kale sidii la filayay dagaal xaga Madaafiicda iyo qoryaha culculus ah ayaa hada kasoconaya Hagoogane.

Mar aan la xidhiidhnay dhinacyada Buuhoodle iyo Qorulugud ayaa naloo sheegay inaan ilaa hada jirin qasaare nololeed balse dagaalku inuu hada bilow yahay. Magaalda Buuhoodle ayaa gabi ahaanba goobaha ganacsiga, Waxbarasha, iyo adeega Bulshada gabi ahaanba  albaabda loo laabay.

Warkii Saaka

Kadib Markii Maalintii shalayto Baliga Hagoogane uu Dagaal Xoogani ku dhexmaray Ciidamo Beeeloodyo ka soo Jeeda Dhinaca Buuhoodle iyo Qorulugud oo ay garbinayaan Ciidamada maamulka Somaliland ayaa haatan Saaka Waxa soo Baxay khasaaraha Dhimashada iyo Dhaawac Dagaalkaasi ka dhashay oo haatan khasaarihiisu gaadhay Tiro badan oo Mayd ah oo laga helay Goobihii lagu dagaalamay.

Ugu Yaraan 3 Ruuxi oo dhalinyo ah ayaa laga helay Maydkooda Baliga Hagoogane oo kamid ahaa Dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Baliga Hagoogane Waxan kaloo Wali saaka lagu raad joogaa Dad kale oo loo Malaynayo in Xabadu Meelo fog fog ku Dishay, Waxan Shabakada Wararka Ceegaag.com oo Goor dhawayd la Xiriirtay Hagoogane  loo Xaqiijiyey in Khasaaruhu intaasi ka Badan karo Dhimashada.


Dhinaca Waxa Isbitaalka Magaada Buuhoodle ku Geeriyooday Mid kamid ah Dhaawacyadii Xalay la soo gaadhsiiyey Magaalada Buuhoodle Waxana ka loo Isbitaalka yaala sadex kaloo Dhaawac ah oo dagaalkaasi Hagoogane ku dhaawacmay, Dhinaca reer Qorulugud oo ay garbinayaan Ciidamada maamulka Somaliland Waxa dagaalkaasi kaga Dhintay labo askari Waxana ka loo ku dhaawacmay labo kale.

Wararkaasi dagaalka Hagoogane kala soco Saacad kastaba Shabakada Wararka Ceegaag.,com
 

Cali Dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com