shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif oo Jabuuti tababar ugu furay ciidamo ka tirsan Dowalada KMG

(Jabuuti, January 17,  2011 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Jamhhuuriyada Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo dhigiisa dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray tababar dalka jabuuti lagu siinayo ciidamo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay furitaanka tababarka ciidamadaasi oo tiradoodu gaareyso ilaa iyo Shan boqol oo Askari kuwaas oo tababar ciidamanimo ku qaadan doona dalka jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif ayaa kula dardaarmay ciidamadaasi in ay ka faa’iideystaan tababarka ciidan ee halkan laga siiyo isla markaana ay muujiyaan Asluub wanaag mudada uu tababarku socdo, isagoo xasuusiyay in baahida ka jirta dalka iyo sida loogu baahanyahay in ciidamadu ay wax uga qabtaan.

Madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dowlada Jabuuti aaneey waxba ka hakran doonin ummada Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan tababarada caynkan oo kale ah.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowlada ayaa la filayaa in dhawaan halkaasi tababar loogu soo gebagebeeyo kuwaas oo in muddo ah halkaasi tababar ku qaadanayay.

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com