shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isimada Cuqaasha iyo Waxgaradka Buuhoodle oo ka Jawaabay Go'aankii Madaxwayne Siilaanyo Kuna Tilmaamay Mid sharci Daro ah

(Buuhoodle, January 10,  2011 Ceegaag Online)

Shirka buuhoodle oo aan ka wareesanay Suldaan Siciid Cismaan Cali Dhagayso

Kadib Markii Maalintii shalayto Madaxwaynaha Maamulka Somaliland uu go,aan ka soo saaray dhacdadii ka dhacday Baliga kalshaale ayaa kadib Maanta Magaalada Buuhoodle Waxa saaka kulan Balaadhan ku yeeshay Isimada Cuqaasha iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Cayn oo go,aankaasi Madaxwayne Siilaanyo ku tilmaamay inuu ahaa Mid sharci Daro ah isla Markaana aanay gabi ahaanba Beesha Buuhoodle ku Qanacsanay go,aankaasi....


Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana Kadib Markii uu Dhamaaday shirkaasi Talefoonka kula Xiriirtay Suldaan Siciid Cismaan Cali oo kamid ah Isimada Gobolka Cayn Waxana Suldaanka Ceegaag.com Waydiisay sida ka Reer Buuhoodle ahaan Go,aankaasi u arkaan? Suldaanka ayaana ku Jawaabay inaanay go,aankaasi Beesha Buuhoodle aanay u Cuntamay is Markaasina Go,aankaasi yahay Mid sharci Daro ah.


Suldaanka ayaana ugu Baaqay Madaxwayne Siilaanyo inuu go,aankaasi ka Laabto Waxana uu Suldaanku sheegay in Baliga kalshaale aanu galay Gor Gortan oo Beesha Buuhoodle ay leedahay is Markaana aanay ogo Laandooni in Ciidamada Maamulka Somaliland Saldhig Miltari ka dhigtaan Deegaamo katirsan Buuhoodle( Waraysiga Suldaanka oo dhamaystiran Hooska dhagayso)



Cali dhagjar
Ceegaag.com
Garowe



webmaster@ceegaag.com