shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hayada Care International ooSiminaar ku soo Xidhay Degmada Ceegaag

 

(Ceegaag, January 19,  2010 Ceegaag Online)

Degmada Ceegaag ayaa lagu soo Xidhay siminaar degmadaasi Ceegaag uga soconayey Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Degmadaasi Ceegaag oo ay fulinaysa Ha,yada Maxaliga ah ee FSO oo saldhigeedu yahay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaasi Sool, Waxana Tababarkaasi ka faaiidaysanayey Ururada kala duwan ee Degmadaasi Ceegaag ka Hawl gala.

Siminaarkaasi ayaana Waxa Maalgalinayey Ha,yada Care international Waxana Siminaarkaasi ku saabsanaa sidii looga Faaiidaysan lahaa Mashaariicda ka soconaya Degmada Ceegaag gaar ahaa Waraha oo dhawaan laga Qoday Magaalada Ceegaag ku dhawaad labo Waro oo lagu kaydiyo Biyaha Xiliga Jiilaalka ah oo Deegaanka Ceegaag Baahi Wayn u Qabay.

Tababarkani ayaana Waxa loo Qabtay ku Dhawaad 30 Ruuxi oo kunool Degmada Ceegaag Waxana kaloo laga fuliyey Magaalooyinka Hurufadhi Balihadhaca oo Ha,yada Care international iyo NGO FSO ay Mashaariic ka Wadaa Deegaanadaasi Xiligan lagu Horumarinayo, isla Markaana tababarkani Waxa kaloo looga faaiidaytay ilaalinta Nafaada iyo kor u Qaadista Waxbarashada Degmada Ceegaag.

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle


 

webmaster@ceegaag.com