shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Abdirashiid Axmed Warsame oo Xabsiga Mandheera laga siidaayey.

(Garoowe, January 04,  2011 Ceegaag Online)

Xabsiga Magaalada Mandheera Waxa laga siidaayey Abdirashiid Axmed Warsame(Faroole) oo mudo Ku Dhawaad sanad iyo Badh Xabsigaasi Magaalada Mandheera ku Xidhnaa kadib Markii Ciidamada Booliska ee Magaalada laascaanood ka Qabteen gudaha Magaalada laascaanood isagoo Xiligaasi Watay gaadhigiisa khaaska ah oo laamiga Marayey.


Abdirashiid Axmed Warsame ayaana lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey Dilkii taliyihii qayba 12,aad ee ciidanka Maamulka Somaliland Col. cismaan yuusuf nuur oo lagu dilay Magaalada laascaanood kadib Qarax xoogan oo loo dhigay Wada laamiga ah, isagoo ku guda jiray Hawlo shaqo oo Gobolka Sool uu ka Waday.

Abdirashiid ayaana Kadib Maxkamd la saaray lagu Waayey Wax danbi ah inuu ka danbeeyey dilka taliyahaasi Waxana uu haatan dib u helay Xoriyadiisii Waxaana uu haatan ku sugan yahay Magaalada Garoowe, Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana Abdirashiid Wax ka Waydiisay inuu faah faahin naga siiyo Xaalada Xabsiga Mandheera, Waxa uu ku tilmaaya inay tahay mid aad ku adag in lagu Xidho Qof Waxa uuna ka Codsatay Maamulka Somaliland inay arimahaasi Xabsiga Wax ka Qabtaan( Waraysigaasi oo dhamaystiran ka dhagayso Ceegaag.com).

Cali dhagjar
Garowe


webmaster@ceegaag.com