shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA

(London, February 18,  2011 Ceegaag Online)

Waa qaybtii 7aad ee barnaamijkii aynu ugu magac daray sidee loo abuuraa ganacsi guulaysan kara. Qaybtan waxaan kusoo qaadan doonaa 20 calaamadood oo lagu yaqaan maareeyaha ganacsiga (business manager), runtii waa wax looga baahan yahay shaqsiyaadka maamulaya shirkadd in laga helo 20 kan sifo.

Fadlan haddii aanad la socon barnaamijyaddi hore dib ugu noqo casharaddii hore si aad u fahamto .

 

20 Sifo oo lagu yaqaan maareeyaha ganacsiga

(20 characteristics of business manager):

 

  • 1)      Maareeyaha ganacsiga (business manager) waa masuul sharaf leh lana aamini karo (integrity and trustwothiness) taas oo loola jeedo in maareeyaha ganacsigu uu yahay masuul ilaalinaaya masuuliyadda sharciyada ama dhaqanada u degan shirkadda. Waa qof toosan oo aanay wadin wax asaga u gaar ah ama koox u gaar ah.

  •  

  • 2)      Waa masuul aqoon iyo khibrad u leh shaqada uu qabanaayo (knowledge and experience of industry): waxaa uu awood u leeyahay in uu ka jawaabi karo su’aal walba oo laga weydiiyo shaqadiisa haddiiba ay weydiiyaan macaamiisha ama shaqalaaha shirkaddu, isla markaa wuxuu ogyahay waddada ganacsi ee uu maraayo.

  •  

  • 3)      Waxaa uu leeyahay xirfad maamul (managerial skills), waxaana uu yaqaanaa sida loo maaraynaayo shaqaalaha, lacagta, badeecadda ama adeega shirkaddu soo saarayso. Waxaana uu fudaydiyaa shaqada iyo dariiqyada loo maraayo.

  •  

  • 4)      Maareeyaha shirkadduu waxaa uu ogyahay waxa uu higsanaayo iyo ujeedooyinka uu leeyahay (vision and mission), waxaana uu xoogga saraa kobcinta shaqo qayb gaar ah marka hore ( focus one job first) kedibna waxaa uu dhamaystiraa shaqooyinka kale ee u baahan in la dhamystiro.

  •  

  • 5)      Wuxuu xooga saaraa iibka iyo suuq-geynta (sales and marketing), Wuxuu awood u leeyahay in uu xaliyo wixii is afgran waa ah ee yimaada (conflict-resulation) waa dhexdhexaadiyaha shirkadda haddiiba ay dhibaato soo baxdo, wuxuuna u dhaxeeyaa maamulka sare iyo shaqaalaha hoose, waxaana lagu yaqaanaa dhiiri-gelin (motivation), marwalba wuxuu keenaa fikrado dhiiri gelinaaya shirkadda iyo shaqaalahaba,

  •  

  • 6)      Waxaa uu yaqaanaa sida looga faaidaysto duruufaha adag ee dhacaaya (adversity), halka dadka kale ay calaacalaan marka dhib dhaco, waxaana uu madaxa u dhigaa arin kasta oo dhacda, waxaana uu leeyahay sabir iyo dulqaad (patience and tolerance) wuxuuna og yahay in dhib kasta oo dhaca in uu jaanis ku xigi doono (behind every adversity is an oppurtunity).

  •  

  • 7)      Maareeyaha ganacsigu (business manager) Waxaa uu yareeyaa wixii shirkadda khatar gelin kara waxaana uu kordhiyaa wixii fursad keenikara (minimise the risk and measures the opportunities). Waxaana uu kasoo baxaa wixii balan qaad ah ee uu sameeyo.

  •  

  • 8)      Wuu u xeeladaystaa wadooyinka uu maraayo (stratigic in their approach) maareeyayaasha ganacsi ee guulaystay waxaa ay si koox ahaana ay u nidaamiyaan, u qorsheeyaan si qoto dheerna uga fiirsadaan go’aamadooda inta aanay go’aan buuxa gaarin. Kol haday go’aanka gaarana waa ay fuliyaan ayagoon dib u dhigin waxaana ay fiirshaan waxa kasoo baxa (feedback). Haddiiba ay dhacdo in wax kasoo baxaan go’aamadooda masuuliyada ayaga ayaa qaata, waana ay ka faaiidaystaan horana waa ay uga socdaan.

  •  

  • 9)      Maareeyaha ganacsigu wuxuu isu diyaariyaa guul-darada (failure) waxaana uu sameeyaa wax walba oo lagaga hor tagi karo in shirkaddu guul-daraysato (business failure). Waana loollame marka loollanku yimaado (competitor), waxaa uu si buuxda uga war hayaa suuqa iyo waxa ka socda, marwalbana feejignaan iyo diyaar garow ayuu ku jiraa haddii ay noqoto dhinaca sixirka (price), tayada badeecadda (quality) ama adeegaba (services) iyo wixii suuqa kusoo kordhaba.

  •  

  • 10)  Iskuma mashquuliyo kulamo badan (too many meetings), waxaana uu u diraa shaqooyinka kale wakiilo ku hadlaaya magaca shirkadda, Waxaa uu leeyahay xirfad xiriirin ama wada hadal (good communication skills) isla markaana waa dhegayste, waxa uu dhegaystaa kelmad wal oo kasoo baxaysa dadka ay wada shaqaynayaan, waxaana uu wax u dhegaystaa si qalbi furaan ah

  •  

  • 11)  Maareeyaha wanaagsani waxaa uu badanaa dhex joogaa shaqada, waxaana uu saaxiib la yahay dhamaan shaqalaha hoose, waxaana shaqada uu ukala sameeyaa darajooyinka ku kala habboon (delegation). waa shaqsiga ugu horeeya ee yimaada shaqada waana shaqsiga ugu dambeeya ee xira albaabka shaqo maalmeedka, Waxaana uu shaqeeyaa saacado ka badan kuwa shaqaalaha caadiga ah.

  •  

  • 12)  Waxaa uu marwalba si xoog iyo xeeladba leh ugu dadaalayaa in uu keeno fikrado cusub (new innovations), waxaana uu ogyahay baahida loo qabo in wax cusub la abuuro. Waxaana uu dhiiri geliyaa shaqaalaha keena fikrado cusub iyo kuwa leh wax curinba (creativity). Waxaana uu leeyahay sugnaansho iyo go’aan (persistant and determination)

  •  

  • 13)  Waxaa u muuqda kana fekeraa mustqablka, waxaa uu soo uruuriyaa wixii macluumaad ah ee loo baahan yahay, dib ayay u eegaan, waa ay falan qeeyaan, kedib waxaa ay sawiraan haddiiba wax waliba si qalada u dhacaan maxaa imankara, waxaana ay marwalba la tashadaan dadka ay wada shaqaynayaan (management team) kedibna wixii go’aan kama dambays ah ayay qaataan.

  •  

  • 14)  Waxaa uu leeyahay nidaam ku dayasho waana masuul nidaam raacaya, wuxuu leeyahay akhlaaq wanaagsan (self desipline), waxaana uu tusaale fiican u noqdaa shaqaalaha kale. Waxaa uu ogyahay waxa qofkasta oo shaqaalahooda ahi gaarka la yahay (uniqueness) iyo waxa uu ku fiican yahay, waxaana uu hore u mariyaa waxa ay shaqaaluhu uu ku fiican yihiin. Waxaana ay shaqaalaha ula dhaqmaan sidii boqoro oo kale (kings).

  •  

  • 15)  Marka shaqaaluhu talo usoo jeediyaan Waxaa uu iska ilaaliyaa oraahda kelmada suurto gal ma aha waxaasi (impossible), waxaa uu weydiiyaa sidee suurto gal looga dhigi karaa arintan aad soo jeedisay, taasina waxaa ay dhiiri gelisaa shaqaalaha. Waxaa uu u cudur daaraa qaladaadka ka dhacaaya shaqaalaha waxaana uu ogyahay in shaqaaluhu ay yihiin bani’aadam qaldami kara una baahan in la saxo oo wax loo sheego..

  •  

  • 16)  Waxuu adkaysi u leeyahay in uu aqbalo marka ay timaado xaalad adag oo dhinaca ganacsiga ah, waxaana uu madaxa u dhigaa dhibkasta oo yimaada. Wuxuu dulqaad u leeyahay canaanta iyo wax ka sheega. Mana aha dad is dhiiba (never give up). Waxaa uu ogyahay in aan waxna si fudud ku imaanayn. Marka uu la kulmo heshiis ganacsi (business deal) wuxuu isu keenaa wixii fikrad ah, waa uu ka fekeraa, rogrogaa kedibna fuliyaan.

  •  

  • 17)  Maareeyaha ganacsiga guulaystay Waxaa uu ka fekeraa wax weyn inkastoo uu wax yar wax ku bilaabo hadana waxaa uu ku riyoodaa wax weyn (thinks big and acts big).

  •  

  • 18)  Waxaa uu jaaniska iyo fursadaha ka arkaa meel aan dadka kale ka arkayn, mana aha shaqsi wahsi badan oo wax walba dib u dhiga (procrastination) waxaana uu dhamaan indhihiisa, dhegihiisa iyo maskaxdiisaba u tababaraa helida fursadaha ganacsiga (business opportunity). Waxaana uu isha ku hayaa is bedelka sharciyada ee xaga dawladda ama shirkaddaha, haddii is bedel yimaadana isla markiiba waa uu la qabsadaa.

  •  

  • 19)  Waa shaqsi isku kalsoon (self confidence) waxaana uu awood u leeyahay in uu gaaro waxa uu higsanayo, masoo koobo aragtidiisa, waxaa uu ka fekiraa ilaa inta ay gaarsiisan tahay maskaxdiisu. Marka ay wax xanibayaa (barrier) ka hor yimaadaan waxaa uu u arkaa fursad u baahan in laga faaiidaysto isla markaana waayo-aragnimana laga qaato, Waxaana uu ka faaiidaystaa khaladaadka ka dhacaya asaga iyo shirkaddaha kalaba.

  •  

  • 20)  Marnaba ma keeno wax dhiiri gelinaaya iska hor imaad ama isku dhac, gobolaysi iyo fikrado is diidan waxaana uu dhisaa shaqaale is fahamsan oo wada shaqaynaaya wax wada abuuraaya waxna soo saarayaa, waxaana uu hore mariyaa xirfadda shaqaalaha u shaqaynaaya.

LASOCO QAYBTA 8AAD oo ku saabsan 20 waxyaalood oo sababa guuldarada ganacsiga.

Mustafe Ibraahim mustaf1970@hotmail.co.uk

Uk.


webmaster@ceegaag.com