shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA Q-8aad

(London, February 25,  2011 Ceegaag Online)

Waa qaybtii 8aad ee barnaamijkii aynu ugu magac daray sidee loo abuuraa ganacsi guulaysan kara. Qaybtan waxaan kusoo qaadan doonaa 20 calaamadood oo sabab u noqda guuldarrada ku timaada ganacsiga, runtii waa wax looga baahan yahay shaqsiyaadka maamulaya shirkadd in laga taxadiro 20 kan sifo.

Fadlan haddii aanad la socon barnaamijyaddi hore dib ugu noqo casharaddii hore si aad u fahamto:  

20 qodob oo keeni kara fashilka ganacsi ama shirkadd

1.      Kharash aan loo baahnayn oo la galo (over spending)

Qaladaadka la galo waxaa ka mid ah in aan la isu miisaamin waxa shirkadda soo galaaya iyo waxaa ka baxaayaa isla markaana la galo kharashaad badan, tusaale ahaan xafiiska oo la geliyo kharash badan, maamulka oo iska qorta mushahaaro badan iwm.

2.      Shaqada oon lahayn nidaam la raacayo (without guiding principles):

Shirkaddo badan ayaa marka ay bilaamayaan aan lahayn nidaam la raacayo, kedibna marka ay muddo yar joogaan suuqa ka baxa, ganacsi kastaa waa ay jiri karaan khaladaad la galaayo laakiin waa in ay jirtaa sharciyo la raacayo oo haddiiba la jabiyo la isku ciqaabayo. Waan in shirkadda ama ganacsigu uu leeyahay sharciyo adag sida saacadaha shaqada la bilaabayo lagana baxayo, sida ilaalinta tayada alaabta, sida loo ixtiraamayo macaamiisha, in aan shaqo maanta la qaban lahaa berito loo dhigin iwm.

3.      Ahmiyadd la’aan (lack of focus):

Waxaa fashil ku keeni kara ganacsiga in hal mar lawada abuuro ganacsiyo kala duwan taasina waxay keeni kartaa in wax waliba qabyo ay kaa noqdaan,  dadka ku guulaystay ganacsiga dhamaantood hal shay ayay marka hore bilaabaan kedib markay dhamays tiraan ayay shaqaddii ku xigtay qabtaan. Ogow ninka adduunka ugu taajirsani ( Bill Gates) hal shaqo keliya ayuu horumarka ku gaadhay. Haddii aad ku guulaysato mashruuca hore waxaan shaki ku jirin ka kuxigana in aad ku guulaysan karto.

4.      Aragti iyo ujeedo la’aan  (lack of vision and objectives):

Qofka oo aan ogayn halka uu u socdaa waa dhibka ugu weyn ee soo gaara qorshe kasta oo la sameeyo. Runtii ganacsigu waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay qof safar gelaaya, safarkaasiina waa in uu meel ku eeg yahay (destination). Waa in maamulku lahaadaa aragti cad oo uu beegsanaayo. Haddii aanay aragti cadi jirin waa Dayaarad iska kacda ayadoon la saadalin hawadaa lana fiirsho uun khayr iyo shar wixii kasoo baxaba. Aragti cad la’aantu waxay keentaa in aad yeelan weydo ujeedo sax ah (goal) isla markaana ganacsigaagu uu dhaafi waayo garab-rarato. Dad badan oo adduunkan ka noqday dadka ugu magaca waaweyn lihi waxaa ay ku gaadheen guusha aragti cad oo ay lahaayeen.

5.      Shirkadda gudaheeda oo khiyaamo ka dhacdo (internal dishonest activities):

Shaqaalaha shirkaddu haddiiba ay noqdaan dad aan daacad ahayni waxa si fudud u imaan kara in ay shirkadda lugooyaan, waana arin sax ah haddiiba hal qof oo maamulka ahi si xun u fakiraayo in uu lugooyo shirkadda, markaa waa in ay shaqaalaha iyo maamulkuba noqdaan dad shaqadooda si daacad ah u gudanaaya.

6.      Kharashaadka suuq-gaynta oo la yareeyo (cutting down marketing budget):

Mararka qaar guuldarada shirkaddu waxaa ay ka bilaaban taa marka ay shirkaddu rabto in ay kharashka yarayso, isla markaana kharashkii ku bixi lahaa suuq-gaynta (marketing) ay ka bilowdo kharashaadka la dhimaayo. taasina waa qaladka ugu weyn ee shirkaddi samayso, waxaa ay ahayd in la kordhiyo kharashka ku baxaaya suu-gaynta si loo abuuro macaamiil cusub.

7.      Cabsi ka timaada loollamayaasha (fear of competition):

Adduunyadda waxaa hadda kusoo badanaaya in la lakala koobi (copy) gareeyo ama lakala  xado fikradaha ganacsi. Loollanku wuxuu keenaa in aad weydo qayb ka mid ah macaamiishaadda kedibna qaybtii aad suuqa ku lahayd ayaa yaraan karta. Markaa dad badan oo ganacsi abuura ayaa ka cabsi qaba in fudud suuqa looga saaro. Qaarna sannadka horaba waa ay xiraan markay arkaan shirkaddo kale oo suuqa kusoo biiray. Runtii ganacsiga iyo loollankiisu waa wax jiraaya ilaa inta adduunyada wax lakala gadanaayo markaa marnaba kama badbaadi kartid tartan. isku day in aad macaamiishada raali geliso, fikrado cusub abuurto (innovatives), suuqa aad la socoto marwalba daraasad cusub samayso (research) isla markaana aad ilaashato in aan cid kale isticmaalin magaca shirkaddada iyo summadda shirkadda (trademarks) kana diiwaan geli shirkaddaha ilaaliya xuquuqaha ganacsiga (patent and copyright)

8.      Ogaan-sho la’aanta baahida macaamiisha (not knowing the customer demand):

Waxaa kale oo guul daro ku keeni kara ganacsigaaga adigoon ogayn baahida saxda ah ee ay qabaan macaamiishaadu (customers). Baahida macaamiishu waa ay is badbadashaa markaa waa in aad waqti fiican galisaa xog-uruurinta xaga suuqa (market research). Waana arinta keliya ee aad ku ogaan karto baahida saxda ah waana in aad kharashaad fiican ugu talo gashaa sidii aad xogta suuqa aad usoo heli lahayd, waxaa kale oo u baahan in aad la socoto waa sixirka alaabta aad gadayso waayo qiimaha sare (over pricing) dhib ayuu u keenaa shirkaddah cusub

9.      Sharciyada dawladda oo is bedela iyo amniga oo xumaada (new gavernment policy and lack of security):

Isbadalka xaga sharciyadda dawladuhu waa waxyaalaha ugu muhiimsan ee ganacsiga gaarka loo leeyahay dhib u keena, tusaale ahaan haddii aad keeni jirtay badeeco oo ay dawladdu go’aan kasoo saarto in aan badeecadaa la keeni karin si fudud ayay ganacsigaasi u baabi’I karaa. Amniga oo xumaada isna wuxuu keeni karaa in ay yaraadaan macaamiishaadu kedibna ay yaraato faaiidadii aad heli jirtay. Fadlan marwalba samee saadaal xaga amniga ah oo sugan (security forecast) waana in aad dhinacyo badan ka fiirisaa siyaasadda wadanka ee 5 sanno ee soo socda sida uu u ekaan karo.

10. Ku xirnaasho taliyayaal badan (depending on more advisors):

Waxyaalaha guuldarada keeni kara waxaa ka mid ah ayadoo shirkaddu badanaa ku xirnaato taliyaayaal badan oo weliba ay debada ka soo qaadato, waxaa suurto gal ah in ay talooyin wacan kuu keeni karaan, laakiin maamulka shirkadda ayaa laga rabaa in ay marka hore ay wararka ay u baahan yihiin soo dhamays tiraan, wejiyo badan ka eegaan, ka baaraan degaan samee sawirka xaalada ugu foosha xumi haddii ay timaado (worst case senario) kedibna wixii warar dheeri ah ay u raad sadaan dadka aqoonta u leh (advisors).

11. Hantiilayaal xun oo aad wax isku darsataan (bad business partners):

Samaynta ganacsi iskaashato ama shirkaddi wuxuu u baahan yahay in la hubsado kolba cidda wax lala wadaagaayo amaba lagu soo daraayo. Waa in hantiilaha shirkaddu uu ogyahay waajibkiisa gaarka ah iyo ka guudba, waana in uu yahay qof u bisil iskaashato (partnership), waana in inta aan ganacsiga la bilaabin loo sheegaa xuquuqdiisa iyo sharciyadda shirkadda.

12. Maamul liita iyo shaqaalihii saxda ah oon la qorin (poor management and hiring wrong employees):

maamulku waa duuliyaha shirkadda (pilot of the business) waa in dadka loo dhiibayo maamulka lagu xulo aqoon iyo waaya aragnimo, shirkaddaha maamulka fiican lihi waa ay guulaystaan inta badan, si ay shirkadda ama ganacsigu u guulaysto waa in bilow ilaa dhamaad shaqada ay wadaan dad xirfad fiican u leh (professionals), waana in aan lagu degdegin qorida shaqaalaha laguna qorin qabiil iyo gobalaysi toona.

13. Shirkadda oon u diyaar garoobin khatar ama guul-darro (not ready to take risk):

Badanaa marka ay ku timaado khatari shirkaddaha waxaa yimaada is qabqabsi iyo calaacal. Haddii aan marka horaba lagu talo galin in khatari ama guul daro imaanayso si fudud ayay shirkaddaasi ku guul daraysataa. Ganacsi kasta oo koraaya waxaa uu leeyahay khataro ku xeeran. Waa in ay shirkadda u taalaa haddiiba dhib (risk) yimaaddo sidii loomaarayn lahaa, waana in aad ogaataa khatar kasta oo timaada waa aqoon kuu koradhay oo aanad cid kale ka hesheen, ha is dhiibin hore uga soco guusha waad u dhawaanaysaaye.

Mararka qaar waxaa dhaca in aqoon la’aantu ay keeni karto in qofku uu noqdo qof aad u taxadar badan (over cautiousness), taxadarka badan ee aan qofku ku dhiiranayn heshiiyadda qaarkood (deal)  waxaa ay keeni kartaa in uu qofku fashil uu ku yimaado. Waa in ganacsiga loo diyaar garoobaa khatar kasta (risk), waana in aad khatar kasta oo timaada aad masuuliyadeeda qaadi kartaa noqotaana geesi khatar kasta qaadi kara (risk taker) si ganacsigaagu ama shirkaddu u guulaysto.

14. Goob aan ku habboonayn ganacsiga oo laga furo (wrong location):

Muraayada ganacsigu waa kolba goobta ama meesha laga furaayo, marnaba lama tartami kartid shirkaddo kaa meel fiican (location). Waxaan shaki ku jirin haddii goobta ganacsigu ay xumaato in ay adag tahay in uu guulaysto ganacsigaasi. Marwalba muhiimadda waa in lasiiyo goobta laga furaayo iyo sida ay usoo jiidan karto macaamiisha. Haddii goob fiican (location) aad hesho waxaa shaki l’aan ah in wax badani kuu hirgali doonaan. Laakiin lama tartami kartid shirkaddo kaa meelo fiican.

15. Aqoon iyo waayo aragnimo la’aan (lack of knowledge and experience):

Marnaba kuma guulaysan kartid ganacsi aanad khibrad ama aqoon u lahayn, haddii aad muddo guulaysatana gebogebadu waa in aad guul daraysato (failure), si taas aad uga badbaado haddii aanad aqoon u lahayn shaqaalee dadka aqoonta u leh.

Waxaa la yiraahdaa guuldarada ganacsiga (business failure) waxaa keena qofka oo aan aqoon u lahayn waxa uu qabanaayo iyo shaqaale xirfad leh oo aanad helin.

16. Deyn aad u xun oo shirkaddu gasho (high debt):

Waxyaalaha ganacsiga guuldareeya waxaa ka mid ah shirkadda oo deyn ka maqan tahay iyo weliba shirkadda oo hadana deyn lagu leeyahay. Waa in maamulku ilaaliyaa lacagta naqadka ah ee shirkadda dhex wareegaysa ama u taala (cash flow). Waa in nidaamka deyntu uu noqdaa wax waafaqsan waxa kusoo galaya, waana in la ilaaliyaa lacagta naqadka (cash) ah marwalba si shirkaddu u sii socoto. 

17. Raasamaal la’aan (lack of capital):

Shaqada ugu horaysa ee maamulku waa in uu raadiyo lacagta maalgelinta (capital investment) ku filan shirkadda. Lacagta raasamaalka oo yaraataa ama maal-gelin fiican oo la wayaaa waxay si fudud u baabiisaa ganacsiga. Waana in maareeyaha shirkaddu isku dayo in uu yareeyo deymaha ilaaliyana lacagta naqadka ah, isla markaana dhimaan dhamaan kharashaadka aan muhiimka ahayn (unnessessary expenses) waana in uu isku dayaa in uu deyn kaga qaato badeecdaha loo keenaayo ilaa inta uu kasoo kabanaayo. Tusaale ahaan haddii lacagta ay shirkaddu u baahan tahay ay tahay $200.000 lacagta ilaa hadda la hayaana noqoto $120,000 haddii inta wax la dhaqaajiyo hadhaw la waayo $80,000 waxay keeni kartaa in shirkaddu socon weydo. 

18. Badeecadda ama adeega oo kaa kala go’a (insufficient products or services):

Waaxaa suurto gal ah in badeecadda ama adeega kaa kala go’o waana arin badanaa dhacda, ama ciddii aad ka qaadan jirtay oo kaa joojisa ama isbedel ku yimaado. Marwalba waa in shirkaddu haysataa shirkadd kale oo badeecadda laga qaato haddiiba tan hore dhibi ku timaado (back up supplier).      

Waana in marwalba shirkaddu leedahay hal supplier in kabadan, si haddiiba ay ciladdi ku timaado ka hore ay shirkaddu u heli karto isla markaaba cid ay ka hesho badeecadda ama addega ay dayaso. 

19. Go’aan qaldan oo la qaato (wrong decision):

Qaadashadda go’aan qaldani wuxuu si fudud u baabiin karaa shirkadda ama ganacsiga, waxaa loo baahan yahay markaad go’aan qaadanayso in aad la tashato dadka shirkadda wax ku leh, dad xirfad leh iyo weliba in aad dhinacyo badan ka fiiriso waxaa kasoo bixi kara go’aankaa. Go’aan kasta oo aad qaadanayso ha ilaabin in aad ISTIKHAARA samayso waayo ALLAAH ayaa og wixii noo khayr ah iyo wixii shar noogu jiro. Istikhaarada iyo Tawakalku waa halbowlaha go’aankasta oo la qaadanayo. 

20. Fidin degdeg ah (swift expansion):

Waxaa dhacda in shirkaddaha bilowga ahi ay isku dayaan in ay hore ka kobcaan (rapid expansion) si ay u gaaraan shirkaddaha sannadada badan soo jiray waana qalad arintaasi dhibna u keeni karta shirkadda, xooga saar in aad dhisto macaamiil (customers) isla markaa si fiican umaamul lacagta naqadka ah ee shirkadda soo galays, kedib shirkaddu ayada ayaa si caadi ah (organic) ah u koraysa. Haddii aad aragto in aan shirkaddu sidii la rabay u kobcayn fadlan isku day in aad samayso daraasad iyo baaritaan buuxa si aad u ogaato sababta hortaagan koritaanka.

Lasoco qaybta 9aad oo ku saabsan sidee loo sameeyaa daraasad ganacsi (business feasibility study).

Mustafe Ibraahim

mustaf1970@hotmail.co.uk

UK

 


webmaster@ceegaag.com