shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay aagaga ay dawladu kala wareegtay xoogaga dawladooda kasoo horjeeda ee Alshabaab.

 

(Muqdisho,  February 28,  2011 Ceegaag Online) 

Madaxweynaha ayaa warbixin kooban kaga dhagaystay qarka mida saraakiisha  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Dhagabadan iyo Taliyaha guutada Hillaac Col. Cageey warbixitaa oo ay sarakiishu ku war galiyeen madaxwaynaha  meesha uu marayso nabadkusoo celinta Soomaaliya dhineceeda Koonfureed.

Madaxweynaha  ayaa intaa kaddib kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan aaga hore iyo kuwa AMISOM oo ay kala horkacayeen abaanduulaha ciidanka  xoogga dalka general C/kariin Yuuusf Dhega Badan  iyo Taliyaha ciidamada Amisom General Nathan Mugisha.

Madaxweyne Shariif  ayaa ciidamada uu la hadlay u sheegay in muhiimad gaar ah la siiyay askarta islamarkaana ay joogto u helayaan xuquuqdooda  waxa uuna kula dardaarmay inay si wanaagsan ula dhaqmaan dhalinyarada isu dhiibaya ciidamada ee ka soo goosanaya kooxda Shabaab.

Iskusoo wada duuboo Dagaalda ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa sii xoogaysanaya iyada oo goobaha Dagaalka kolkasta loogu awood sheeganayo.

www.ceegaag.com  

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com