shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Somaliland  oo sii daayay 41 maxaabiis oo u dhashay deegaanka Buuhoodle, aasayna baraagihii Kalshaale.

 

(Buuhoodle,  February 27,  2011 Ceegaag Online) 

Maamulka Somaliland ayaa sii daayay 41 maxaabiis oo u dhashay deegaanka Buuhoodle oo ay ku qabteen dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanada Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane.

 

Magaalada Buuhoodle ayaa hada waxaa ka socda qabanqaabada soo dhaweynta iyadoo qadka telephone ka oo aanu kula xidhiidhney magaalada Ceegaag naloo xaqiijiyay in dhamaan maxaabiistaasi ay si nabad ah ku yimaadeen magaalada Ceegaag, iyadoo halkaasi uu kusoo dhaweeyay duqa magaalada Ceegaag Cabdi xaaji Cali Cilmi (C/riigle) nasasho kadibna usoo galbiyay dhinaca magaalada Buuhoodle, marka laga reebo hal nin oo xaalad caafimaad looga reebay isagoo yaala cisbitaal ninkaasoo labada gacmood ka jaban magaciisana naloogu sheeegay ina ducaale x. c/haaruun.

Horaantii bishan ayay ahayd markii waxgarad ka tirsan deegaanka Buuhoodle sii daayeen Kayse Jaamac Bulaale oo ka tirsanaa ciidanka Somaliland oo lagu qabtay deegaanka Kalshaale.

Dhinca kale maamulka Somaliland ayaa shalay galab aasey sadexdii baraagood ee ay beesha Qorulugud ka qoday deegaanka Kalshaale, ee gobolka Cayn iyadoo burburinta baraagahaas ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tisan maamulka Somaliland.

www.ceegaag.com  

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com