Degmada Taleex oo ay taalo gogosha shirweynaha Khaatumo ayaa waxa si aan kala go,lahayn ugu soo qulqulaya ergooyin ka kala imanaya dalka iyo dibada kuwaasi oo ka qayb geli doona shirweynaha khaatumo 2 oo la filayo inuu qabsoomo todobaadka soo socda.

Dhanka kalena ciidamadda loogu talo galay ilaalinta Amniga guud ee shirweynaha Khaatumo 2 oo kakala socda beelaha SSC ayaa iyaguna soo gaadhaya Degmada Taleex.

Xaalada amaan ee Magaalada ayaa ah mid degen oo si buuxda ay gacanta ugu hayaan Ciidamada loo tababaray sugida Amniga shirweynaha, iyadoo dhanka kalena uu meel wanaagsan marayo dadaaladii nabadeed ay wadeen Issimada iyo Waxgaradka deegaanada SSC kaasi oo lagu dhamaynayay shilkii naxdinta lahaa ee dhowaan ka dhacay degmada taleex.


Si kastaba ha ahaatee shirweynaha khaatumo 2 ee ka dhici dioona Degmada Taleex ayaa guud ahaanba shacabka u soo hoyda deegaanada SSC ay u arkaan inuu yahay rajadooda ugu weyn islamarkaana waajib uu ka saaranyahay of kasta inuu dhiniciisa ka ilaaliyo.