shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir looga hadlay taakuleeynta Jaamacada Maakhir oo ka dhacay Magaalada Edmonton, Alberta, ee dalka Canada.

(Edmonton, Dec 26,  2011 Ceegaag Online)

Shirkaas oo ay isugu yimaadeen Jaaliyada kasoo jeeda gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari ee degan magaalada Edmonton ee gobolka Alberta, ayaa qabsoomay shalay oo ay taarikhdu ahayd December 25, 2011.  Shirka oo daba socday dadaal ay dhamaan qurba joogta gobolada sare ku xusani ay ugu jireen sidii looga qaybqaadaan lahaa dhisidda iyo dhamaystirka Jaamacada Maakhir ee magaalada Badhan ayaa wuxuu ku dhamaaday isafgarad iyo in sida ugu dhakhsaha badan looga qayb qaato  guud ahaan horumarka gobolada gaar ahaan Jaamacada Maakhir oo gaashaanka iyo guntigaba loo furo, waxtar degdeg ah na la gaadhsiiyo Jaamacada.

Shirka oo si fiican u dhacay ayna ka soo qayb galeen inta badan reer Edmonton-ka  ka soo jeeda gobolada sare ku xusani ayaa waxa laysku afgartay in wixii dhaqaale ah oo lagu heshiiyey ama la qoondeeyay ay ku soo xeroodaan muddo aan ka badnayn 10 casho. Waxa xusid mudan in inta badan dhaqaalihi lagu dhawaaqay ay gacanta soo galeen,  inta hadhayna lagu balan sanyahay in lagu soo xereeyo sida ugu dhakhsaha badan.

Waxaa dadaal dheerad ah oo la jaanqaadaya  kan ka socda caasamida gobolka Alberta ee Edmonton, ka socdaa magaalada Fort McMurray oo Edmonton u jirta 500km,  ahna magaalo ay ka shaqaystaan dhalinyaro iyo odayaal ka soo jeeda Jaaliyadaha Sanaag, Haylaan iyo Bari.

Waxaa shirka furay Oday Mahdi Ali ayan (Abdi Dhereyo)  hadal gaaban ku cadeeyey sidii aynan marna surtagal u noqon Karin in dad u dhashay sideena gobolada aynu ka soo jeedno muddo u xusul duubayeen dhisida Jaamacada Maakhir ee Badhan iyagoo u huray waqtigooda qaaliga ah iyo dhaqaalohoodaba, inaguna iska fiirsano. Waxaa waajib ku ah qofkasta oo daneenaya danta guud inuu ka qaybgalo mashruucan muhiimka ah dal iyo dibedda meelkastuu joogo.

Waxaa isaguna halkaas hadal Murtiyeed ka soo jeediyay  Oday Cawil Mohamed Xirsi, oo isaguna aad ugu dheeraaday faa’iidada ay leedahay dhisidda Jaamacadda Maakhir.  Wuxuuna  afka ku dhuftay inay waxtar balaadhan u yeelan doonto dhalinta yaryar, noqonna doonto mid dhalinta ku negaysa dalka.

Osman Mohamud Mohamed Shire  oo  wakiil ka ah dhalinyarada, ayaa isaguna ku amaanay odayaasha shirka soo qabanqaabiyey dadaalka ay ugu jiraan sidii fursad waxbarasho loo siin lahaa dhalinyaro badan oo aan awoodi karin inay wax barasho u raadsadaan meelo fogfog.

Shirkan oo ahaa mid rajo, horumar iyo mustaqbal marax fiicana u yeelankara umada soomaaliyeed, maadaama uu  furay wado cusub oo ka duwan shirarkii hore  soomaalidu u qabsan jireen.

Osman Mohamud M. Shire

Edmonton, Canada

 

webmaster@ceegaag.com