shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir Lagu Soo Gaba Gabayn lahaa Mashaqadii Yagoori ka dhacday oo is afgaran waa ku dhamaaday

 

(Yagoori, December 07,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa dhawaanahanba degmada Yagoori si wayn looga hadal hayey dilkii dhawaantan loo geystey marxuun deegaan ahaan ka soo jeeda degmada Yagoori, is aragyo iyo wada hadalo badan oo dhex maray dhinaca marxuunka iyo dhinaca gacan ku dhiiglaha oo ay dhexdhexaadinayeen  masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.
 
Hadaba maanta ayaa waxaa degmada Yagoori ka dhacay shir la damac sanaa in arintaasi lagu xaliyo isla markaana lagu soo gaba gabeeyo mashaqadii sababtay dilka marxuunkii geeriyooday. Kulan dheer oo saacado badan socdey oo u badna Isfahmi waa ayaa waxaa beesha marxuunku ka geeriyooday ay dalbatay in gacan ku dhiiglihii gacanta loo soo gesho, hayeeshee arintaasi ma dhicin maanta.
 
Beesha uu marxuunku ka geeriyooday oo ah besha Jaamac Siyaad ayaa iyadu gaashanka ku dhufatay, wixii hadal ahaa ee ay soo jeediyeen beesha uu ka shashay Gacan ku dhiigluhu, hadaladaa shirka buburiyay ayaa u badnaa in aan la hayn ninkii dilka geystey, hayeeshe ay diyaar lala yahay magtii marxuunka. taasina waata keentay In shirkaasi lagu kala dareero.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com